Hargeysa magaalo qadiimi ah oo isku tashatay!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Hargeysa magaalo qadiimi ah oo isku tashatay!

Post by Ina Baxar »

Hargeysa magaalo qadiimi ah oo isku tashatay!!



Markii aan soo dhammeystay socdaal 7 cisho qaatay oo aan ku joogay magaala madaxda Jamhuuriyada Jabuuti halkaasoo aan uga qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii ka soo wareegatay qorista Farta Soomaaliga, munaasabadaasoo aheyd munaasabad weyn oo ay soo qabanqaabisay dowladda Jabuuti ayaa markii uu soo idlaaday kulankaas, anigoo qorshaheygu ahaa in aan u soo kicitimo dhinaca magaalada Muqdisho oo aheyd halkii uu ka soo billowday socdaalkeyga, ayaa waxaa ila soo xiriiray qaar ka mid ah dhalinayaro madax ka ah ururo saxaafadeed oo ka dhisan Somaliland kuwaasoo aan ku balanay in aan Hargeysa ku soo booqdo inta aanan Muqdisho tegin, waxaana markaa kadib u soo qalab uruursaday in aan wejiga saaro magaalada Hargeysa oo aysan aheyn markii iigu horreysay ee aan tago, balse markan ay aheyd markii ugu horreysay ee aan marayo dhinaca waddada anigoo ka soo ambabaxay magaalada Jabuuti, wuxuuna ahaa safarkii aan ku imi Hargeysa safar qaatay 17 saac, balse xambaarsanaa macluumaad fara badan oo isugu jira horumarka dhinacyada bulshada ah ee ka jira labada dhinac, & dareenka dadka ku dhaqan oo ah mid ka tarjumaya in ay si weyn ula xanuunsanayaan xaaladda sii dhutineysa ee dalka Soomaaliya, waxaana jira in bulshada ku kala dhaqan Jabuuti & Somaliland ay aragtiyo isku dhow ka bixinayaan xaaladda ka iminka ka taagan Soomaaliya.

Ugu horreyn socdaalkeenu wuxuu ka soo bilowday bartmaha magaalada Jabuuti oo aan ka soo raacnay gaari (Landcruser) ahaa, wuxuuna qadkeenu (Route) ahaa (Jabuuti-Hargeysa). Markii aan nimid xudduuda u dhexeysay Jabuuti & Somaliland, bacdamaa baabuurkii aan la soconay uu ka yimid dhinaca Jabuuti waxey aheyd arrin iska caadiya in dadka rakaabka ah ee saaran baabuurta ay gaariga ka degaan, kadibna iyagoo lugeynaya sii maraan (Kastamka) dowladda Jabuuti, una tallaabaan xudduuda dhinaca Somaliland, waxaana meel qiyaastii 70-ilaa 100 tallaabo u jirta halka ay ku sugan yihiin ciidamada ilaalada xudduuda ee dowladda Jabuuti ku sugan ciidamo Somaliland ah, waxeyna ishaadu qabaneysaa marka aad xudduudka u soo weydaarsato dhinaca Somaliland calanka Somaliland. Markii aan soo gaarnay dhinaca Somaliland waxaan wadanay baasaboor Soomaali ah, waxana marnay nidaam aan dadka kale ula sinayn, waxaana qaddar daqiiqado ah ku hakanay goob maqaaxi aheyd oo ku taal Lowya-cadde, laguna dhageysanayey Laanta Af-Soomaaliga ah ee Idaacadda BBC-da, waxeyna ku beegneyd (6.3.2007 Galab Tallaado ah) nin oday ah oo da’diisu aan ku qiyaasay 90 sano jir, kana mid ahaa dadkii dhageysanayey BBC-da, una muuqday in uu ka xumaa dhimasho dad rayid ah ka soo gaaray shaqaaqooyin Muqdisho ka dhacay & sidoo kale, cudurka shubanka oo ay isbitaalada Muqdisho u yaalaan caruur fara badan ayaa odaygii isagoo madaxa luxaya wuxuu yiri “ La yaab ma ahan in dal ay dhibaato ku timaado, oo dagaalo sokeeyana ka dhacaan, balse waxaan caadi aheyn ee aan dunida kale ka dhicin waxey tahay, dal 40 sano dowlad ahaa in laga waayo waxgarad is uruursada oo ka damqada dhibaatada 16 sano jirsatay ee ka dhaceysa Soomaaliya, qolada sida gaarka ah loogu hanweynaa ee lagu hungoobay waa qolooyinka isku sheega aqoonyahanada, eeg maalin walba dad baa le’anaya, dadkaas le’anaya cuqubadooda halkee laga tegayaa.? dadka Soomaaliyeed ma garan waayeen in ay fahmaan in aanu jirin qabiil qabiil kale ka adkaan kara, loona baahan yahay in wax la wada dhisto, nabadduna ay tahay mida ugu muhiimsan” ayuu yiri odaygii markii uu hadalkii dhammeystay, ayaan ku iri “Awoowe adigu gormaa Xamar kuugu danbeysay? wuxuuna igu yiri “Xamar weligeey ma tegin balse axwaasheeda sheedaan kala socdaa, wax walba oo ka dhacana waan maqlaa, waase meel sheydaan uu ka taliyey ee xaajadeedu uusan helin qof waxgarad ah haddii uu helana tiisa laga tilaabsaday”.


Abaarihii 5:45 daqiiqo ayaan ka soo dhaqaaqnay xudduudka Somaliland ee Lowya-cadde waxaana soo gaarnay Hargeysa maalinkaa maalinkii xigay (7.3.2007) saacadu markii aheyd 10-kii subaxnimo, dhammaan dadkii ku sugnaa tuulooyinkii & degmooyinkii aan soo marnay waxey ahaayeen dad si weyn inoo soo dhoweeyey, ayna ku weyn tahay marti-soorka & hab dhaqanka soo jireenkii ahaa ee Soomaalida.



Haddii Hargeyso ay kuugu danbeysay waqti hore waxaa dhici karta in aad magaalada ku lunto, taasina waxaa ugu wacan sida magaaladu isu ballaarisay, waxaad ku arkeysaa daaro dhaadheer oo loo dhisay hab casri ah, waxaana sidoo kale ku soo jiidanaya sida nabaddu tiirka ugu tahay horumarka Somaliland, iyadoo ay shaqeynayaan dhammaan adeegyada bulshada, waddooyinka waxaad ku arkeysaa ciidamada nabadgelyada ee Taraafikada ah, sidoo kale waxaa kuu muuqanaya oo sidoodii u shaqeynaya nalalka baabuurta kala haga ee (Samaafaraha), dadka caadiga ah ee shacabkana waxaa ka muuqata niyad-sami & sida ay u tiigsanayaan horumar dhinaca nolosha ah, Inkastoo ay waqti hore tahay in aan wax badan ka tilmaan-bixiyo xaaladda ka jirta Somaliland waqtiga aan soo gaaray oo shalay un ah, haddana saaka goobihii aan tegay waxaa ka mid ah, isbitaalka weyn ee magaalada oo si habsami leh u shaqeynaya, dadkana ay ka helayaan adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, halka sidoo kale, dugsiyada H/ dhexe & sare ee magaalada Hargeysa la ii sheegay in ardayda wax ka dhigta laga qaado qidmad yar oo aan u dhigmin (Fee).

Waxaan u balanqaadayaa akhristayaasha in aan u soo gudbino macluumaad badan oo ku saabsan xaalada magaalada Hargeysa & qaar ka tirsan gobolada Puntland.


NB: Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Tifaftiraha bogga Waagacusub ahna guddoomiyaha ASOJ Daahir Cabdulle Calasow oo suurtageliyey in aan xiriir yeelanao qaar ka tirsan mas’uuliyiinta ururada saxaafadda ee ka jira Somaliland.



W/Q: Madaxa xafiiska bogaga Dayniile & Qaranimo,

C/shakuur Cilmi Xasan

http://www.dayniile.com/maarso/8maarso11.htm
User avatar
hometown-hottie
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 824
Joined: Sat Dec 09, 2006 8:35 pm

Re: Hargeysa magaalo qadiimi ah oo isku tashatay!

Post by hometown-hottie »

Arabsiyo. up up up
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”