BREAKING NEWS: TFG POLICE FIGHT TFG MILITARY

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS: TFG POLICE FIGHT TFG MILITARY

Post by Hiiraan boy »

Iska horimaad dhex maray ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga dowladda KMG ah


Mogadishu 10, March.07 ( Sh.M.Network) Hal qof ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga dowladda uu iska horimaad ku dhex maray saldhigga Galbeed ee K/magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkaan oo labada ciidan ay isku adeegsadeen hub culus iyo mid fudud ayaa waxa uu socday muddo 5 daqiiqo ah sida uu ku soo waramay wariye ka tirsan shabelle oo gaaray halkaasi.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka bilowday ka dib markii ay kala shakiyeen ciidamo Militari ah oo tababar uu ugu soo gabogaboobay shalay gobolka Sh/hoose oo saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo fariisin ka dhigan rabay saldhigga Galbeed, iyadoo ciidamadii booliska ahaa ee halkaasi ku sugnaa ay ka shakiyeen deetana ay rasaas la beegsadeen.

Israsaaseynta labada dhinac dhex martay ayaa waxa ay joogsatay ka dib markii labada ciidan ay is fahmeen.

Meydka askari aan la ogeyn in uu ka tirsan yahay ciidamada booliska iyo kuwii Militariga ahaa ee yimid halkaasi ayaa haatan dhex yaala saldhigga galbeed ee degmada Dharkenley , halka labadii dhaawaca aheydna loo qaaday isbitalka Madiina si loogu daweeyo.

Ciidamadii Booliska iyo kuwii Militariga ee israsaaseeyay ayaa haatan isla jooga.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah ee Somalia oo ku aadan iska horimaadkaan oo ku dhacay si kama ah.

Ciidamadan Militariga ee saakay soo gaaray saldhigga Galbeed ayaa waxaa shalay loo soo xirey tababar muddo labo bilood ah uga soconayay Xerada Balli Doogle ee gobolka Sh/hoose.

Wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Salaad Cali Jeelle oo shalay u waramay shabelle ayaa sheegay in ciidamadan tababarka loo xirey ay ka howl-gali doonaan dhowaan gobolada dalka.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa shabelle u sheegay in ciidamadan Militariga ay la howl-gali doonaan ciidamada Uganda oo dhowaan howlo amaan sugid ah ka bilaabaya magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamada Militariga dowladda KMG ah ee Somalia iyo kuwa Booliska ay isku rasaaseeyaan magaalada Muqdisho tan iyo markii dowladda KMG ah oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ay kala wareegeen gacan ku heynta caasimadda golihii maxkamadaha islaamka.
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: BREAKING NEWS: TFG POLICE FIGHT TFG MILITARY

Post by Karbaash_killa »

Ilaahow isku dir oo kala dir Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”