BREAKING NEWS war in south Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS war in south Muqdisho

Post by Hiiraan boy »

War deg deg ah
Mogadishu 11, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa ka dhacay agagaarka wasaaradii Hore ee G/dhigga ee magaalada Muqdisho , abaarihii 7dii fiidnimo ee caawa

Dagaalkaan oo socday ku dhowaad nusaac ayaa waxa uu u dhexeeyay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn iyo ciidamada Ethiopia ee fariisinka u ah wasaaradii hore ee G/dhigga , iyadoo wali aan laga helin wax war ah oo ku saabsan sababta keentay dagaalka.

Lama oga wali qasaaraha uu geeystay dagaalkaasi hasa yeeshee dadka agaalada Muqdisho ayaa si aad ah u maqlayay sawaxanka madaafiicda waaweyn iyo rasaasta ee labada dhinaca ay is weydaarsanayeen.

Madaafiic iyo rasaas habow ah ayaa ku soo dhaceysay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa iyo haatan wararku tilmaamayaan in Madfac uu ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha hasa yeeshee wali lama soo sheegin qasaaraha uu geeystay.

Wasaaradii hore ee G/dhigga iyo Isbitalkii hore ee Digfeer ayaa waxa ay fariisin u tahay ciidamada dowladda Ethiopia, iyadoo halkaasina dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen weeraro lagu qaaday ciidamada Ethiopia oo iyagu markasta jawaabo ka bixinjirey weerarada lagu qaado.

Wariyeyaal ka tirsan shabelle ayaa wali ku howlan ogaanshaha qasaaraha uu geeystay dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan, iyadoo madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacday xaafadaha Muqdisho wali aan la ogeyn waxyeelada ay geysteen.
Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net

Shabelle Media Network Somalia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”