AY leaves Villa Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

AY leaves Villa Somalia

Post by Hiiraan boy »

Wararka naga soo gaaray Caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in xaaladeeda ay daganeyd xalay kagadaal markii weeraro kala gooni gooni ah ee dad badani ku dhinteen kuwo kalena ku dhawaacmeen uu shalay halkaasi ka dhacay.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisha ayaa intaasi raacinaya in aanu xalay ku hoyan Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya Madaxweynaha dowladda Embagathi Col. C/laahi Yuusuf kadib markii shalay uu halkaasi soo gaaray lagu qaaday weerar isugu jira Hoobiyaal ah iyo madaafiicda sida daran wax u gumaada oo mar qura lagu ridayay gudaha Madxtooyada.Ilo muhim ah oo ka tirsan dowladda Embagathi ayaa sheegay in arrinta ka tagista Madxtooyada Madxweynaha ay ka dambeysay ka dib markii saraakiil dhinaca amaanka u qaabilsan ilaalada gaar ah ee Madaxweynaha ay go'aan ku gaareen in aanu Madaxweynuhu ku hoyan xeradaasi, waxana ay saraakiishaasi sheegen in Xaruntani tahay meel bartilmaameed ah oo ay dhinici karto in weeraro kale oo dhibato geysan kara halkaasi lagu soo qaado.Lama oga halka uu Madaxweyne Yuusuf Xalay ku hoyday marka laga reebo warar sheegaya in uu ku hoyday Hooygii ay hore u daganaan jirtay Maamo Qadiijo, waxaanse Jirin warar ku waasi ka duwan oo xaqiijinaya in uu xalay ku hoyday gudaha Madxtooyada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”