Hawiye meeting to choose new leader

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Hawiye meeting to choose new leader

Post by Hiiraan boy »

Beelaha Hawiye oo lagu wado inay hogaamiye u doortaan Siyaasi da'yar 16 sano kadib.

Muqdisho ,Arbaco , Marso , 14 , 2007, Waagacusub.com


Beelaha Hawiye ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Muqdisho ku lahaa kulamo is daba jooga oo ay kaga arrinsanayeen sidii beesha Hawiye ku yeelan lahayd hogaamiye siyaasadeed lagu midaysan yahay oo ay ku toowfiiqsadaan.

Kulamadaas oo ay lahaayeen hogaamiyaasha dhaqanka ,Aqoonyahanadda,Ganacsatadda iyo hogaamiyaasha Siyaasadda beelaha Hawiye ayaa la sheegay in kulankii ugu dambeeyay ee shalayto la isku raacay in hogaamiye loo doorto Siyaasigga da'da yar ee Cabdilahi Sheekh Xasan .

Wararku waxay sheegayaan in hogaamiyaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ay go-aankaas ku qancinayaan mid ka mida hogaamiyaashii hore ee kooxaha kaas oo la rumaysan yahay in siyaasad ahaan beeshiisa ay taageeri karto,hadii la ansixiyo hindisahaas isagoon saxiixin.

Cabdilahi Sheekh Xasan ayaa shacbiyad badan ku leh Muqdisho marka laga soo tago hogaamiyahii golaha Maxaakiimta ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,wuxuuna todobaadyadii tagay ka baahiyay Warbaahinta hadalo xasaasiyad abuuray oo inta badan ay ku soo baraarugeen Dadka beelaha Hawiye oo inta badan lagu sifeeyo shacbi aan wax isu quurin waxna wadaagi Karin.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la sii wada eegayaa ololaha ay beelaha hawiye ku sameeysanayaan hogaamiye la isku raacsan yahay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”