http://qarannews.com/show/12945.html
Ceerigaabo (Qarannews) Baabuurka Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland "Mr-Baduugaaye" ayaa sida uu kusoo warramay weriyahayaga gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish waaberigii subaxnimada ee maalintii Arbacada ee 14/3/2007 soo gaadhey magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxana baabuurkaas gacanta ku qabtay ciidanka qaranka gobolka Sanaag ee gaar ahaan fadhigoodu yahay magaalada Cerigaabo, waxana baabuurkaas watey oo kalasoo baxsaday dhinaca Puntland labo nin oo sida la sheegay ka tirsanaa ciidanka boliiska Puntland islamarkaasna lasheegayo midkood in uu yahay sarkaal.
Dhinaca kalena guddida nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa go’aan ku gaadhey baabuurkan in dib loogu celiyo dhinaca maammulka Puntland, kaddib markii guddidu isla gelinkii hore ee maalintaas Arbacada shirku yeesheen xafiiska maayorka degmada Ceerigaabo., haseyeeshee go’aankan ayaa u muuqda mid socon waayey, kaddib markii sida wararku sheegayaan is hortaag caqabad ku noqday kaga yimid dhinaca xukuumadda sare ee Hargeysa.
"Baabuurkan iyo labada nin ee watey oo katirsan boliiska Puntland oo midkood sarkaal yahayba annaga ayaa gacanta ku hayna, go’aankii guddida nabagelyada gobolka Sanaag ka gaadheyna waxa joojiyey madaxda dawladda sare, iyaga ayaana wixii war ah laga sugayaa". Sidaas waxa yidhi taliyaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag Suld-Muuse Delef oo weriyaha Qarannews ee gobolka Sanaag telefoonka wax kaga weydiiyey arrintan.
BAABUURKII TALIYAHA CIDANKA BOLISKA PUNTLAND OO SOO GALAY S/
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Burco Boss
- SomaliNetizen

- Posts: 412
- Joined: Tue Jan 18, 2005 11:55 am
- Location: Gobolka SooL
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 796 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 7 Replies
- 682 Views
-
Last post by Voltage
-
- 2 Replies
- 457 Views
-
Last post by Padishah
-
- 3 Replies
- 417 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 959 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 1070 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 432 Views
-
Last post by Octagon
-
- 48 Replies
- 2726 Views
-
Last post by KyrieJama