Muqadisho family burnt alive in Galkacayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Burco Boss
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 412
Joined: Tue Jan 18, 2005 11:55 am
Location: Gobolka SooL
Contact:

Muqadisho family burnt alive in Galkacayo

Post by Burco Boss »

Wax magaalada Gaalkacayo ka dhacay arin aad u fool xun oo cidii maqashaaba ama aragtayba ay aad iyo aad uga argagaxday, kadib markii qoys ka kooban Afar xubnood oo ka soo qaxay magaalada Muqdisho iyaga oo hurda aqalkii ay u soo qaxeen ee ku yaalay magaalda Gaalkacayo, inta batrool koona kasta lagaga shubay la qabadsiiyay dab halkaasi oo ay dhamaantood ku hurushoobeen



Arintan ayaa waxa ay hakisay ama ay cabsi xoogleh ku abuurtay dadka ka soo jeeda beelaha Hawiye ee deegaan ahaan ka soo jeeday Gaalkacayo ee ku sugan magaalada Muqdisho ee u soo qaxi lahaa magaalada Gaalkacayo oo ay doorbidayeen in ay ka amni badantahay magaalada Muqdisho oo aad iyo aad ay igu soo badanayaan kooxaha ku hirdamya magaalada Muqdisho oo sababab dhimasho iyo barakacba.



Dhanka kalena waxa arintan gubista Gaalkacayo ka gaystay dhaleeceeyay masuul u hadlay maamul goboleedka Majeerteeniya kuna tilmaamay fal aad u xun oo wixiishnimo ah isla markaasna ka codsaday dadka waxan gaysnaaya in ay joojiyaan, masuulkani oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xaashi Cali Dhuubane ayaa saxaafada u sheegay in ay ku raad joogaan kuwii falkani gubista ah gaystay, si kastaba ha ahaatee waxa ay arintani cabsi iyo guux hoose ka abuurtay beelaha wada dega magaalada Gaalkacayo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”