Page 1 of 1

Walaahi C/laahi Yuusuf iyo xulufadiisa inaan loo saamixi-doo

Posted: Wed Mar 21, 2007 6:41 am
by Hiiraan boy
Saleebaan Colaad Rooble “Walaahi C/laahi Yuusuf iyo xulufadiisa inaan loo saamixi-doonin xasuuqa ay ka wadaan magaalada Muqdsiho”



Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ayi sku fikirka yihiin guddoomiyihii xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan, haatana ku sugan dalka Eretereya ayaa xiriir uu la soo sameeyey boggan, wuxuu ku taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii shalay ay Muqdisho ku yeesheenb waxgaradka beesha Hawiye.

“Walaahi C/laahi Yuusuf iyo xulufadiisa inaan loo saamixi-doonin xasuuqa ay ka wadaan magaalada Muqdsiho iyo nawaaxigeeda, waxaan si buuxda u ayidsanahay hadalada wax ku oolka leh ee iska soo daba dhaca ee ka soo baxaya waxgaradka beelaha Hawiye, waxaana leenahay xaq baad u leedihiin inaad is difaacdaan, dhinaca kale waxaan la hadlayaa beelaha kale ee Soomaaliyeed inaysan indhaha ka qabsan arrinkaa oo ay garab istaagaan odoyaashaa xal doonka haddii kale waxay u muuqanaysa inay ku raaliyiin in Amxaaro dad ku xasuuqdo magaalada Muqdisho, waxaan si gaar ah ula hadlayaa walaalahayaga reer Punt-land ee wiilashadoo la soo marin habaabinayo isla markaana maalin kasta lagu soo daabaulaya Muqdsho iyo agagaarkeeda inay arinkaa dib u eegaan oo ay joojiyaan si loo hor istaago in ay halkaa ka dhicin dhibaatooyin salka la gala waxyaabo aad moodo in laga soo gudbay oo uu qabiilku ugu horreeyo” ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble wuxuuna intaa raaciyey in taariikhdu xusi doonto kuwa dalka u soo horkacayo Itoobiyaanka ee shacabka ku xusuuqaya si ay mansab ugu helaan.


Xafiiska Nairobi, Kenya