Warbixin dheer oo ka hadlaysa dagaalkii maanta iyo khasaaraha ka dhashay iyo goobaha uu ka dhacay.
W/Gashaandhiga: Saaka abaarihii 6:30 ayaa dagaal ka bilowday wasaaradii hore ee gaashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethopia iyadoo dagaalka markii uu waxyar socday ay soo galeen ciidamada Dawlada federaalka Somalia halkaasoo uu ka qarxay dagaal xoogan, Dagaalka ayaa laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud intaba iyadoo ciidamo xalay fariisin ka samaystay halkaas oo Dawladu leedahay ay ka qayb qaateen.

Dagaalka ayaa aad ukulaaday abaarihii 9:00AM kadib markii ciidan halkaasi horay ugu dhuumaalaysan jiray oo hub iyo tigniko wata kana tirsan kooxaha wax weeraraa ay soo galeen iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal aan waxba laysula reeban kadibna loogu awood sheegtay kooxaha labaxay moqaawamada.
Hotel Ramadaan: waxaa sidoo kale dagaal kulul ka qarxay wadada dheer ee gasha Hotel ramadaan iyadoo ciidamada dawlada iyo kooxaha Muqaawamada ay dagaal kafool kafoola isaga horyimaadeen kadib markay halkaasi damceen inay xiraan kooxaha wax rabsha si aysan gurmad u helin ciidamada dawlada dagaalka ayaa mudo kadib waxaa mar labaad ciidamada dawladu ku guulaysteen inay ka saaraan aagaas kooxihi rabshadaha kawaday.
Suuqa xoolaha:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka suuqa xoola ilaa xerada maslax iyo darmoolay iyadoo ciidamada dawlada oo halkaasi heegan uga jiray ay isku dheceen kooxo kamida kuwa kacdoonka wada kadibna sixoogle laysu waydaarsaday madaafiicda culculus ee ka dhacda qoriga BM ka iyadoo wali uu socdo dagaalkaas walow wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in laga itaal roonaaday kooxihii wax soo weeraray.
Hawl wadaag:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka hawl wadaag iyadoo ciidamada Dawlada ay isku dheceen kooxo rabay inay halkaasi weeraro ka fuliyaan iyadoo warar kalana sheegayaan in dagaalkaasi isu rogay mid qabiil una dhexeeya beelaha ****** iyo ********** iyadoo dagaalkaasi waxyar ka dib la soo afjaray lagana soo eryay halkaasi kooxh wax weerara.
khasaaraha dagaalka: Dagaalka maanta oo ah kii ugu kululaa ee ka dhaca muqdisho tan iyo markii Dawladu la wareegtay ayay ku nafwaayeen dad kor udhaafaya 35 qof iyadoo 4 kamida ay yihiin ciidamada dawlada halka inta la xaqiijiyay 15 kamida ay yihiin kooxihii rabshadaha waday iyadoo inta kalana ay tahay dad rayid ah oo xabadi haleeshay sidoo kale waxaa dab qabsaday qayb kamida suuqa bakaaraha gaar ahaana qaybta rinjiyada.
Allmudug.org
TFG TAKES SOUTH MOQADISHO OVER
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: TFG TAKES SOUTH MOQADISHO OVER
Dowlada KMG oo ka hadashay dagaalkii dhex maray ciidamada Dowlada iyo kooxo hubeysan.
Muqdisho, Arbaco, March 21, 2007 Simba Radio
Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ka hadashay dagaalkii maanta dhex maray ciidamada Dowladda iyo kooxo hubeysan.
Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ee Somalia Col. Saciid Dheere, ayaa Idaacadad Simba u sheegay saaka weerarka lagu soo qaaday oo ay soo weerareen waxa uu ugu yeeray dad ka ganacsada dhiiga dad weynaha.
Waxa uu sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday la jebiyay, islamarkaana mar kale ay weerar labaad soo qaadeen haddana la jebiyay, sida uu sheegtay, laakiin dagaalka ayaa weli socda oo u muuqda mid aan lagu kala adkaan.
Waxa kale oo uu yiri in khasaaraha soo soo gaaray ciidamada Dowladda uu yahay mid aan badneyn.
Inkasta oo Meydadka ciidamada Dowladda lagu gubayb waddooyinka magaalada qaarkood ayaa haddana Col Sacidi Dheere waxa uu ku adkeystay inaysan jirin ciiidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah oo lagu jiidiyay waddooyinka.
Saciid Dheere, ayaa ku tilmaamay meydadkii maanta lagu gubay meel ay ka mid ahayd Isgoyska Baar-Ubax kuwa ka dhintay ciidamadii laga dilay kooxihii iyaga soo weeraray oo uu sheegay in loo geliyay dareeska ciidamada Dowladda.
Saciid Dheere, ayaa waxa kale oo uu sheegay in iyaga saaka weerarka lagu soo qaaday oo ay soo weerareen waxa uu ugu yeeray dad ka ganacsada dhiiga dad weynaha.
Saciid dheere ayaa dhinaca kale qiray in laga yaabo madaafiic ay rideen ciidamada dowladda laga yaabo ay waxyeelo u geysteen dad rayid ah taasina ay ka cudur daaranayaan.
Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ee Somalia Col. Saciid Dheere, ayaa waxa kale oo uu gaashaanka u daruuray in ay jiraan ciidamo maxaabiis ah oo laga qabsaday.
Simba Media Center, Muqdisho Somalia
Email: simba@simbanews.com

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 518 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 23 Replies
- 816 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 13 Replies
- 3443 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 0 Replies
- 407 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 395 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 372 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 14 Replies
- 1042 Views
-
Last post by GeneraleQ
-
- 7 Replies
- 393 Views
-
Last post by Garaad_LQ