imaamka Beelaha Hiraab Iimaam Maxamud Iimaam Cumar ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Caruurta reer Puntland ee ku qaraqmay Muqdisho.
“ In qof Muslima la gubo Shareecadda Islaamka ma qabto,runtiina waanu ka xunahay,waxaana ku cudurdaaraneeynaa inay falkaas geysteen Haween iyo Caruur ka careeysan Ciidamadda faraha badan ee nooga imaanaya Puntland oo la leeyahay waxay Xamar u imaanayaan inay xasuuqaan Hawiye†ayuu yiri Iimaam Maxamud oo Hogaamiyaasha Puntland ugu baaqay inay Askartooda kala baxaan Muqdisho si aanan loogu halaagmin xasaasiyad qabiil.
Inta badan hogaamiyaasha Hawiye ayaa taageeray hadalka Iimaamka waxayna sheegeen in Wiilka Garowe iyo Kan Muqdisho isku xanuun yahiin,ayna yahiin wadaniyiin Soomaaliyeed sidaas daraadeedna loo baahan yahay in dagaalka cidii ku dhimato aanan la gubin hadii ay dhaawacmaana la geeyo goobaha Caafimaadka ama loo galbiyo dhinaca goboladii ay ka yimaadeen.
Hadalka Mas’uuliyiinta ayaa ah mid raali gelin ka bixinaya Shacab beeleed u dhashay beesha Hawiye oo u badan Caruur iyo Haween oo gubay Askar ka tirsan dowladda federalka oo u badan kuwa ka yimid dhinaca Puntland.waloow ay jiraan Askar reer Puntland oo dhaqtar la geeyay.
-----------------------------------------------
I cannot understand this BS, when the innocent OG were getting Bombed they said they was Happy
Hogaamiyaasha Hawiye oo cudur daar iyo raali gelin ka bixiya
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 1322 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 3 Replies
- 872 Views
-
Last post by Aristocat
-
- 46 Replies
- 2947 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 358 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 45 Replies
- 1702 Views
-
Last post by suga_n_spice
-
- 49 Replies
- 2727 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 1 Replies
- 1284 Views
-
Last post by COSTA
