Dagaalka waa uu sii socon inta ciidamada Puntland ay joogaan

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dagaalka waa uu sii socon inta ciidamada Puntland ay joogaan

Post by Hiiraan boy »

Beelaha Hawiye " Dagaalka waa uu sii socon inta ciidamada Puntland ay joogaan Muqdisho"


Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in dagaaladu ay sii socon doonaan inta ciidamada Puntland ay joogaan magaalada Muqdisho.

Nabadoon Cabdi Shariif Max'ed Diini oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dagaaladii shalay ka dhacay caasimadda, isagoo ku eedeeyay in ay soo qaadeen ciidamo uu sheegay in laga keenay dhinaca Puntland oo dowladda KMG ah ay keentay magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in dagaaladaasi si rasmi ah isaga horyimaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo Beelaha Hawiye oo u dul qaadan waayay dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada maamulka Puntland magaalada Muqdisho iyo deegaanada dalka qaarkii.

Waxa uu Nabadoonku sheegay inta ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho isla markaana Madaxweyne C/laahi Yuusuf uusan joojin ku xadgudubka awood qeybsiga dowladda uu dagaalku sii socon doono.

Waxa uu sheegay in dadka magaalada Muqdisho ay dhib iyo dagaalo ka soo daaleen, isla markaana ay ka doonayaan dowladda in ay la timaado jawi nabdoon oo lagu xasilin karo caasimadda oo dadka ay ku qanacsan yihiin.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”