Kooxo hubeysan oo gacan ku heynta Cadaado kala wareegay ciidamada Dowlada KMG Somalia.
Mogadishu , Khamiis, March 22, 2007 Simba Radio
Kooxo hubaysan oo deegaanka ah ayaa waxay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Mudug oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Somalia saaka aroornimadii hore iyadoo qasaare nafeedna uu halkaasi ka dhacay..
Dagaal qaraar ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Somalia iyo kuwo kale oo degaanka ah kadib markii weerar ay ku qadeen ciidamadan deegaanka ah fadhiisimo ay Cadaado ku lahaayeen ciidanka Dowlada KMG Somalia degmada Cadaado.
Ilaa iyo 2 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ku geeriyootay dagaalkan iyadoo sidoo kale haweenay shacabka deegaanka kamid ah ay sidoo kalena ku geeriyootay
Odayaal deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa waxay Idaacada Simba u xaqiijiyeen in aroornimadii saaka ay xiisadi ka taagnayd kadib markii dagaalka u dhacay waxaana gebi ahaanba gacan ku haynta degmada kalas wareegay ciidamadii Dowlada kuwo ka tirsan degaanka
Ugu yaraan afar baabuur oo ay ku jiraan laba booyadood ayaa sidoo kale lagala wareegay ciidamada Dowladda iyadoo wararkuna ay tibaaxayaan in ciidanka Dowlada ay isaga baxeen degaanka.
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Gelinsoor ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi ka gudbeen ciidamadii laga saaray degmada Cadaado.
Odayaal deegaanka ah oo Idaacada Simba ay la xiriirtay ayaa waxay sheegeen in ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaasha oo la doonayo in looga hadlo arintan.
Lama oga ilaa iyo iminka hadii dagaalkan Cadaado ka dhacay uu la xiriiro midka ka soconaya Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia oo dhinac ah iyo kooxaha kale ka soo hor jeeda.
Simba Media Center, Muqdisho Somalia
Email: simba@simbanews.com
ICU gacan ku heynta Cadaado kala wareegay ciidamada Puntland
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 2233 Views
-
Last post by Abdihaliim
-
- 1 Replies
- 529 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 0 Replies
- 385 Views
-
Last post by Even123
-
- 0 Replies
- 267 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 34 Replies
- 1585 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 1 Replies
- 525 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 13 Replies
- 986 Views
-
Last post by biko
-
- 8 Replies
- 939 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 1 Replies
- 1750 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 2 Replies
- 552 Views
-
Last post by Somali-Transporter