Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay†Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in loo gurmado qabiilka Hawiyaha.
Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay dagaalka Muqdisho xasuuq lagu samaynayo beesha Hawiye, kaasoo uu xusay inay samaynayaan wax uu ugu yeedhay ciidanka Majeerteeniya ee halkaa la geeyay. Isla-markaana, wuxuu Xisbiga UCID dagaalkaa ku macneeyay mid digniin ugu filan Somaliland, sidaa daraadeedna wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland in gebi ahaanba wixii dhaqaale la hayo la geliyo ciidamadda, lana sameeyo diyaar-garow ciidan, si dhaqso ahna loo tago xuduudka bariga. Sidaana wuxuu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku sheegay war uu xalay khadka telefoonka ku siiyay Wargeyska Ogaalka.
Warkaa uu Gudoomiyaha UCID Ogaal siiyayna wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxa Shalay ka dhacay Muqdisho waxay inoo tahay digniin, waxaana si cad u muuqata, himiladii uu ku haminayay Cabdilaahi Yuusuf, inuu hir-gelinayo ee ahayd, inuu qabaa'ilka Soomaaliya dib isugu diro, isagoo ku andacoonaya, waxaan samaynayaa wax la yidhaa aar-goosi reerkayga lagu sameeyay. Ta shalay ka dhacday Muqdisho waxay maanta ina tusaysaa inay tahay mid inagana inagu soo socota, oo hadaynaan ka diyaar-garoobin, ay ina qabsan doonto, oo qorshaha ugu jirto Cabdilaahi Yuusuf.
Markaa annagu xisbi ahaan waxaan aad iyo aad uga xunahay xasuuqa lagu samaynayo beesha Hawiye, ciidamada ka yimi maamul-goboleedka Majeerteeniya ay ku samaynayaan. Taasina waxay keenaysaa cawaaqib xun, oo mar dambe Soomaaliyi aanay wada daawaynsan Karin.
Caado Soomaalidu umay lahaan jirin inay ciidan shisheeye ah isu soo kaxaystaan, iyagaa kala calaf-qaadi jiray. Laakiin, maanta Cabdilaahi Yuusuf wuxuu bilaabay bog cusub, inu ciidamo shisheeye u soo kaxaysto si uu u xasuuqo Soomaalida qabaa'ilo ka mida, waxaanan leeyahay qofka Soomaalinimada jeceli ha ku noolaado, Jabuuti, ama Itoobiya ama Somaliland, ama Ereteriya, waa in arrintaa laga hor-tagaa, oo aan loo suura-gelinin in dadka reer Muqdisho la xasuuqo.
Markaa annaguna waxaanu dawlada Somaliland ku boorinaynaa, waa in wax allaaliyo waxay u hayso, ciidamada loo huro, oo ciidan adag la dhisaa, derajada la siiyaa, xuduudahana si dhakhso ah lagu tagaa.
Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay sidii berigii SNM-ta loo caawin jirtay waa in aan u caawinaa ciidamada, oo sanduuq loo furaa, waa inaan la eegan waxa soo socda, xamarna aan laga aamusnaanin.
Waa in gacan la siiyaa, adduunkana la tusaa, loona sheegaa in waxa meesha ka socdaa dawlad ahayne, ay tahay qabiil, qabiil dusha laga saaray iyagoo magac dawladeed wata. Waxay taasi ku tusaysaa oo ay u eg tahay tii inaga nalagu xasuuqay ee magaca dawlad Soomaaliyeed laynagu xasuuqay, magaalooyinkeeniina lagu burburiyay ee xabaalo wadareedyada lagu sameeyay, maantana tiiyoo kale ayaa Xamar ka socota, markaa in la daawado maaha in wixii ku dhacay Somaliland ay Koonfurna ku dhacaan, wax la daawado maaha, waa wax Soomaaliya cawaaqib xumo u keenaya.
Dullaan waa inagu soo socdaa, oo hada waxaa jirta 800 oo nin oo ciidana oo Boosaaso lagu tababarayo agteeda, oo loo diyaarinayo inay inaga xageena u soo duullaan, ayaa loo tababarayaa.
Dagaalku waa dagaal ballaadhan oo Cabdilaahi Yuusuf uu doonayo inuu Soomaaliya iyo Somaliland uu ku sameeyo Maamul (Boqortooyo) Majeerteeniya ah.
Dawladda Itoobiya waxaan leeyahay in dhiig Soomaaliyeed faraha loo geliyo maaha, inay Soomaali u kala eexato maaha, inay cadaawad Soomaali ka samaysato oo guruub reer yar ay Soomaali inteeda kale ka raacdo maaha. Waa inay Soomaali kula noolaataa nabad iyo jaarnimo, ha joogo Jabuuti, Somaliland , NFD, ama Soomaaliyaba, yaan ciidamadeeda iyo magaceeda la isu isticmaalin, oo aan si khaldan loo isticmaalin.
Madaxweynaha Somaliland waanu kala hadalnay in ciidamadeena la dhiso, waana uu anga ogolaaday inaynu cudud samaysano dhisan, waana siyaasaha aanu dawladda ku taageerayno ayay ka mid tahay, in ciidankeena dib loo dhiso, oo la tayeeyo, aragti fiicana wuu ka leeyahay Madaxweynuhu.
Inagu xaq baan u leenahay inaynu xuduudeena tagno, waana inagu khasab inaynu xuduudaha ilaalino, cid inagu qoonsanaysaana ma jirto. Laakiin, waxa weeye inaynu gacan ka helno dadka bariga Sool degan, oo aynaan u ekaan inaynu qabsanayno. Laakiin, waa inaynu u tusnaa dawladoodii oo u imanaysa inay tahay.â€
Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
When CY and Geeddi head to Hargeysa, Riyaale will hand them the key. No need to fight there. It is already peaceful and quiet.
Re: Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
[quote="Cilmiile"]When CY and Geeddi head to Hargeysa, Riyaale will hand them the key. No need to fight there. It is already peaceful and quiet.[/quote]
You mean Ethiopia and the AU, we are all aware that Afbiijo and Fanax boy cant harm a fly
You mean Ethiopia and the AU, we are all aware that Afbiijo and Fanax boy cant harm a fly
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
They are the rulers of Somalia and they are determined to return the power and glory and unity of Somalia. Viva Riyaale, soon to be the Governor of the Northwest Province of Somalia.
Re: Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
You mean Mosaveni and Zanawi, and what business the have in somaliland the lords resistance army is not hiding in laascanood neither the ONLF/OLF is in laasqoray
Re: Waxa Muqdisho ka dhacaya, Somaliland digniin bay u tahay
time somaliland shows same solidarety With plp of Muqdishu and join the War...Today itis Muqdishu and tomorow..?? time to wake up
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 1224 Views
-
Last post by bashe19
-
- 7 Replies
- 826 Views
-
Last post by Alchemist
-
- 1 Replies
- 470 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 0 Replies
- 3026 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 5 Replies
- 726 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by Mr Bile
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by Mr Bile