Garoonka Kismayo oo la furey

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Garoonka Kismayo oo la furey

Post by Hiiraan boy »

Last Updated: Mar 21, 2007 - 7:05:24 PM
Wararka

Garoonka Kismayo oo la furey
21 Mar 21, 2007 - 4:46:58 PM

Waxaa shaley magaalada Kismayo dib loo furey Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubba Hoose oo in muddo ah xirnaa.


Agaasimaha garoonka diyaaradaha Kismaayo Maxamuud Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in waxii maanta ka bilowdo ay dadweynaha gobalka iyo ganacsatada ay adeegsan karaan garoonka.



Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa ganacsatada magalada Kismaayo iyo maamulka waxey wadeen qorshe ay garoonka dib ugu howl galinayeen kaasoo maanta lagu guuleystay.



Xaflad maanta lagu furay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo lagu qabtay isla garoonka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ganacsatada magaalada Kismaayo iyo Mas'uuliyiin ka kala socotay Dowlada KMG Somalia, Hay'adaha QM, Ururada bulshada rayidka, Saraakiishaciidanka Dowlada, Maamulka Gobalka iyo marti sharaf aad u balaaran.



Intii ay magaalada Kismaayo joogeen ciidamada Ethiopian-ka ee taageerada siinayay Dowlada Federaalka Somalia garoonka waxuu ahaa mid Military isla markaaska saldhig u ahaa ciidamada Ethiopian-ka.


Cabdi Fatax Axmad,GO
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”