Hawiye are Qaxooti in 2007(IDP) Internally Displaced People

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Hawiye are Qaxooti in 2007(IDP) Internally Displaced People

Post by COSTA »

Dadkii ugu badnaa oo maanta ka qaxay magaalada Muqdisho


Khamiis, March 22, 2007(HOL): Dadkii ugu badnaa ayaa maanta waxay ka qaxeen magaalada Muqdisho tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana maanta lagu arkayay waddooyinka Muqdisho dad u badan haween iyo caruur, kuwaasi oo qaarkood magaalada ay ka baxayaan , halka ay kuwa kalena ay u qaxayeen eheladooda oo ku sugan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.



Dadkani ka qaxay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qaxooda yimid kadib markii uu maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho dagaal aad u xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo sidoo kalena uu qaxan yimid kadib markii xalay wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi lagu sheegay in dadka degan inta u dhaxeysa Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Warshaddii Baastada ay halkaas isaga guuraan, si aysan dhibaato uga soo gaarin howlgallo ay dowladda halkaas ka sameyneyso.



Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee Muqdisho ku sugan waa mid jaha wareer ah, mana yaqaanaan meel ay u cararaan, waxaadna arkeysaa dad ka soo qaxay xaafado uu saameeyay dagaalka Muqdisho, hadana u qaxaya xaafad kale oo aan waxba dhaamin.



Si kastaba arrintu ah ahaatee, Magaalada Muqdisho uma muuqato sidii ay mashquulka u ahayd oo ay u dad badneyd, waxaana lagu tilmaami karaa mid ay dadkeedu sii yaraanayaan sabab la xiriirta dagaalka ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee ku dhinac ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda oo iyagu maalmahan bilaabay in ay bannaanka isa soo dhigaan.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

http://www.hiiraan.com/news/2007/mar/wa ... 22-951.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”