Urur la magac baxay SOMALI PROGRESSIVE PARTY oo London looga dhowaaaqay
Urur Soomaaliyeed oo u kuurgala dhibaatooyinka loo gaysanayo dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed ayaa looga dhowaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-Maarso 2007-da.
ururkan oo ah urur siyaasi ah oo Soomaaliyeed kana shaqayn doona in uu ka war hayo xaaladaha kala duwan ee Ummadda sida arimaha Bulshada, dib u dhiska Dalka, Waxbarashada Caafimaadka, nabadgalyada iyo wadanoolaashaha ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed sida lagu xusay qoraal ka soo baxay ururkaasi oo u qornaa sidatan:
Horudhac
Ka dib markii aan aragnay baahida Ummadda Soomaaliyeed ee xiligan u qabaan in la helo dad Soomaaliyeed oo maskaxdoodu ka caafimaad qabto caadifad qabiil iyo u hiilinta danaha cadowga Soomaliyeed ayaan go’aansanay in aan dhisno xisbigan oo howshiisu tahay horumarinta wadanka ee dhinaca dhaqaalaha, arimaha bulshadda & ku soo dabaalitaanka nabadgelyada Soomaaliya oo Dagaalo sokeeye halakeeyeen 16 sano ee la soo dhaafay.
-Ka dib markii aan ogaanay in Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah oo kaashanaya Cadowga Islaamka (Mareykanka) iyo caada qaateyaal ay qabsadeen wadanka isla markaana Itoobiya oo gumaysi gaamuray ah qabsatay caasimadda Soomaaliyeed & guud ahaan Gobolada Dalka, xisbigu waxa uu dareenka wadaninimo ku raacsan yahay Ummadda diidan kana dhiidhineysa in dalkaada dal kale qabsado, isla markaana waxaan sharci daro qaawan ku tilmaamaynaa qabsashada Dhulka Soomaaliyeed.
Ka dib markii aan aragnay in umadda Soomaaliyeed ay ka aamuseen waxa loogu yeero Bulshada Caalamka iskana indha tireen wax u qabad la’aanta Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan xisbigan waxa uu balan qaaday in uu bulshada caalamka u soo bandhigi doono baahida rasmiga ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Ka dib markii aan aragnay dagaalada Muqdisho laga hurinayo & madaafiicda arxan daradda ah ee Amxaaradu ku garaacayso Shacabka Soomaaliyeed habeen & maalin, sidoo kale dhaawacyadda faraha badan ee yaala isbitaalada Muqdisho & caruurta la ildaran cudurka Colera ee daadsan shamiitada qalalan ee Banaadir Hospital iyo dhibaatada baaxada weyn ee shacabka heysata.
Baaq:
Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa
Wuxuu ku baaqayaa Xisbiga SOMALI PROGRESSIVE PARTY qodobada soo socda :
1. In cadowga Ethiopia si deg deg ah uga baxaan dhamaan dhulka
Soomaaliyeed.
2. Waxaan ugu baaqaynaa Hay,adaha caalamiga ah ee caafimaadka inay daawo deg deg ah la soo gaaraaan shacabka Soomaaliyeed
3. in shacabka Soomaaliyeed is afgartaan laguna xaliyo wax kasta
wadahadal & shareecada Islaamka. Iskana ilaaliyaan in ay mar kale
isku dagaalaan qabiil iyo waxkasta oo dhibaata u keenaya umadda
Soomaaliyeed.
4. Hadii ay dalka Soomaaliya yimaadeen ciidamada AU-da midowga Afrika waxaan ka codsanaynaa in ay u turaan Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka baxaan dalka ciidamada Ethiopia taasi oo ah in ay Soomaalidu xasuusan tahay Taariikh aysan iloobi Karin
Chairman: Mohamed Wadani email:somalipparty@hotmail.com
SOMALI PROGRESSIVE PARTY (SPP)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Karbaash_killa
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3672
- Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
- Location: Wisil, Galmudug State of Somalia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 44 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 10 Replies
- 2039 Views
-
Last post by gemini07
-
- 1 Replies
- 34693 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 0 Replies
- 544 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 17 Replies
- 1821 Views
-
Last post by Basra-
-
- 23 Replies
- 1481 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 276 Replies
- 14027 Views
-
Last post by Samatr