Puntland arrests 128 innocent refugees
Posted: Fri Mar 23, 2007 4:03 pm
Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay xalay gelinkii dambe ugu yaraan 128 qof oo isugu jira rag iyo Dumar, kuwaas oo ka soo kicitimay Goboladda Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Dadkan oo ahaa dad Safar ah kuna sii jeeday dhanka magalada Bosaaso ayey Sarakiisha Ciidamada Booliiska Puntland ku soo eedeeyey in ay yihiin dad Tahriibayaal ah ama doonaya in amniga ay wax u dhimayaan.
Dadkan oo aan ku booqanay Saldhiga Booliiska degmada Garowe ayaa ku doodaya in aysan ahayn dad amniga wax u dhimaya ama Tahriibayaal ah, balse ay ahaayeen dad u socday eheladooda, Ganacsiga iyo danaysi kale.
Si kastaba ha haatee, dadkan ayaa u muuqday dad ka soo cararay dagaaladda ka socda magaaladda Muqdisho ayey indhahooda ka muuqatay daal iyo haraad aad u badan.
Axmad Maxamad,Garowe Online