


Read those Two reports one is from Hate Filled Waaga-Cusub which is biased beyond description. The other one is from PuntlandPost which is trustworthy... Here is Waaga Cusub frist...
[b]12 qofood ayaa ku geeriyootay 16 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii ay isku bilaabeen xabad Dagaalyahanadda Hawiye iyo Askartii Puntland ee isku horfadhiyay Agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Dagaalka saakay oo ah mid madaafiic waaweyn la isu adeegsanayo ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah oo ay Madaafiicda ugu galeen guryahoodda.
Afhayeenka Beelweynta Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa garabka Cabdilahi Yusuf ku eedeeyay inay jibiyeen heshiiskii KMG ahaa ee Xabad joojinta,wuxuuna sheegay in dagaalka biloowday saakay ay Mas’uul ka yihiin.
Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi ayaa ku celiyay hanjabaadiisii ahayd inay dadka koofurta Muqdisho isaga guuraan gaar ahaan kuliyadda Jaalle Siyaad ilaa Ex kontorool Balcad isagoo xusay inay degaanadaas tahay fariisimo Al qaacido iyo beelo nabad diid ah.
Dagaalka ka soconaya Muqdisho ayaa la aaminsan yahay inuu saameeyn baaxad leh ku yeelan karo guud ahaan goboladda koofurta Soomaaliya ,iyadoo qiimaha lagu kala iibsado hubka uu gaaray heerkii ugu sareeyay[/b]
And here is the PuntlandPost one...
Muqdisho (PP) – Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku dhintay sida la xaqiijiyay tiro kale oo ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal saakay ka qarxay agagaarka kulliyadda Jaalle Siyaad oo ay maalintii saddexaad ku dagaalamayaan ciidammada Dowladda iyo kooxo ka soo horjeeda.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas oo ahaa mid qaraar ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan uu ahaa midkii ugu xogganaa ee ka dhaca agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana dagaalkaan lagu sheegay inuu ahaa mid ay ku itaal roonaadeen ciidammada Dowladda.
Ilo wareedyo ku dhowdhow goobaha dagaalka ka dhacay ayaa waxay u xaqiijiyeen Puntlandpost in dagaalkaas uu ahaa mid xooggan isla markaana ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaan la sheegay inay labada dhinac isku adeegsadeen hoobiyeyaal aad u fara badan.
Dhaawacyada kooxaha ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa waxaa la marsiinayay waddada soddonka ee Muqdisho, iyadoo la geynayay goobaha caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho, waxaana goobahaas oo aanay saakay joogin wax dhaqaatiir ah ayaa haddana la sheegayaan in dhaawacyada ay iska yaallaan gudaha Isbitaallada iyagoo aan haysan wax daweyn ah.
Haatan dagaalka waa mid qabo, waxaase laga cabsi qabaa inay dagaallo kale ka curtaan isla maanta, iyadoo kooxda ka soo horjeedda dowladda ay ku andacoonayaan inay doonayaan inay ciidammada dowladda ka saaraan goobaha ay ku jiraan.