Somali BBC accused of spreading deliberate lies

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Somali BBC accused of spreading deliberate lies

Post by DONKEYMAN »

It is spreading rumours and lies to create discord and hostile environment.


Baydhabo(AllPuntland)- War saxafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xarunteeda magaalada Baydhabo ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka iyo saxaafadda qaar keed oo lagu eedeeyay inay waddadii saxafadda garab mareen.

Madoobe Nuunoow Maxamed wasiirka warfaafinta oo ku saxiixnaa war saxaafadeedkan ayaa AllPuntland u sheegay in dadka Muqdisho rabshadaha kawada ay yihiin kooxo dawladda inta cafis u fidisay si khaldan uga faa'iidaystay cafiskii loo fidiyay.

Wasiirka ayaa xusay in dawladda ay ka go'antahay inay xididada u siibto kooxaha haraagii maxkamadaha ee falalka ammaan daro kawada caasimadda Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ka hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda oo uu ku tilmaamay inay u adeegayso kooxaha rabshadaha kawada magaalada Muqdisho, wuxuu xusay inay garab martay laanta afka Soomaaliga waddadii saxaafadda iyo dhex dhexaadnimadii looga baahnaa inay bulshada ku dhex lahaato.

Wuxuu xusay wasiirku in Laanta afka Soomaaliga tan iyo markii lasoo dhisay dawladda federaalka Soomaaliya inay wadday dhiiri galinta wax walba oo dawladda looga soo horjeeodo.

Wasiirku wuxuu digniin ugu diray baaqiisa idaacadaha gudaha qaarkood oo uu sheegay in digniintii ugu danbaysay uu u dirayo inay ka waantoobaan dhiiri galinta dadka qaska kawada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhowr goor oo hore ayay dawladda federaalku soo saartay eedaymo ka dhan ka ah BBCda iyo idaacadaha gudaha qaarkood, waxana irdaha loo laabay bishii jannaayo idaacado ka hawl gala Muqdisho ayadoo maalintii shalay ahaydna la amray in la xiro xarunta Aljazeera ee Muqdisho.

CCC Farayaamo
AllPuntland

Related Articles
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”