Maleeshiyaadkii Dowlada Imbagathi Oo Burbur Qarka U Saaran..

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Maleeshiyaadkii Dowlada Imbagathi Oo Burbur Qarka U Saaran..

Post by Hiiraan boy »

Wararka soo baxaya goobaha dagaalada ee Magaalada Muqdisha ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii Dowlada Imbagathi ay ku dhow yihiin iney kala daataan, isla markaasana ay kala firxadaan kadib markii jab weyn uu ka soo gaaray dagaaladii 3-maalmood ee ugu dambeysa ka dhacay aagag kala duwan oo magaalada ah, Wararka ayaa sheegaya in Hogaankii dhexe ee howlgelinta ee Maleeshiyaadkaasi uu u sheegay in ciidamadii loo diyaariyay howlgalada sifeynta Muqdisho ay intoodii badneyd kala tageen, waxeyna sheegeen in kuwii ugu dambeeyay ay ka baxsadeen agaga kala ah siinka dheer iyo Darmoole, waxeyna ku qiyaaseen tiradooda 500 oo maleeshiyo ah kuwaasoo ku hubeysan 15 gaadiidka dagaalka ah.

Kadib markii wararkaasi loo soo gudbiyay Mas-uuliyiinta dowlada Imbagathi ayeey shirar aan kala go’ laheyn ku jireen 24-kii saac ee la soo dhaafay, shirarkaaso la sheegay in looga wada hadlaayay bal sidii laga yeeli lahaa marxalada cagta la gashay magaalada iyo sida loo bixi karo, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in lagu kala dareeray, kadib markii Col. C/laahi Yusuf uu ku gacan seyray talooyin ay soo jeediyeen inta badan raga isaga la shaqeeya oo ah in Maamulku mar kale dib ugu guuro magaalada baydhabo si KMG ah, -in shirka dib u heshiisiinta dib loo dhigo, in wada hadal la la galo kooxaha Kacdoonka Muqdisho, maadaama ay adagtahay iney ay isku difaacaan magaalada Muqdisho, wuxuu ku adkeystay inuusan magaalada dib dambe uga bixi doonin, hadii taasi hirgaliweysana uu is-casili doono, wuxuu soo jeediyay in Prof.Geedi oo Warbaahinta kala hadlo buslahda Muqdisho isla markaasna uu ka dhaadhiciyo inuusan dagaalku u dhaxeyn Hawiye iyo Darood, taasoo warar hoose ay sheegayaan inuu ku gacan seyray isla markaasna uu saakay ka dhoofay garoonka Muqdisho iyadoo xaalad dagaal ka jirto magaalada, Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in shir ay wada yeesheen saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo Ugandha ayaa lagu go-aamiyay in Maleeshiyaadka Puntland ee ku kala sugnaa Madaxtooyada iyo Isgoeyka KM-4 iyo dekada iyo airporka laga kaxeeyay iyagoo la isugu geeyay xerada dugsi shanaad ee Deyniile si KMG ah inta dagaalka Muqdisho xal looga helaayo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”