Xariga loo geystay dhalinyarada beesha Hawiye waxaa ka danbe
Posted: Sat Mar 24, 2007 10:41 am
Daahir Saleebaan “Xariga loo geystay dhalinyarada beesha Hawiye waxaa ka danbeeyey taageerayaasha C/llaahi Yuusuf ee ku milan maamulka Puntlandâ€
Nin magaciisa ku sheegay Daahir Saleebaan Max’uud ayaa warsaxaafadeed uu soo gaarsiiyey xafiiska boggan ee Muqdisho wuxuu ku cambaareeyey fal lagu xirxiray dhalinyaro ka soo jeeda beesha Hawiye oo laga qabtay Kontaroolka magaalada Garoowe, wuxuuna sheegay in falkaasi lagu xiray dhalinyaradaasi aysan waxba kala socon booliska Puntland & shacabkaba ayna ka danbeeyeen taageerayaasha madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ku jira maamulka Puntland,
“Waxaa nasiib darro ah in tahriibayaal Itoobiyaan ah la sii daayo oo ay ka talabaan caasumida Puntland ee Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaaladda dekeda ah ee Bosaso, hayb qabiil-na lagu takooro dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeeda beesha Hawiye, taasina ma ahan mid ay raali ka yihiin reer Puntland, waa arrin u gaar ah taageerayaasha C/llaahi Yuusuf†ayuu yiri Daahir Saleebaan, wuxuuna sheegay in ay qalad tahay in dad shacab ah oo aan hubeysneyn xabsiga loo dhaadhiciyo, sababtuna ay tahay qabiilkooda dartii.
“inta badan Soomaalidu waa is dhexmaraan, mana jirto faquuq qabiil, arrintaasina waxey damqineysaa boog horay u bogsatay†ayuu yiri Daahir Saleebaan, wuxuuna codsaday in degdeg loo sii daayo dhalinyaradaas, lagana bixiyo raaligelin falkii lagu xiray.
Afeef: Qoraalkani ma ahan mid ka tarjumaya aragtida bogga, ee waa mid ka tarjumaya aragtida qoraha