ABDULLAHI YUSUF VISITS A HISTORICAL PLACES IN MOQADISHO
Posted: Sun Mar 25, 2007 12:08 pm
Muqdisho:Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta booqday goobo taariikhi ah.
25. Mar 2007
Muqdisho(AllPuntland)-Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta booqday goobo caan ah oo taariikhda Soomaaliya ay ku caan tahay.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay ee uu yimid magaalada Muqdisho booqday Bankiga Silsila weyne, taaladii Xaawo Taako, Sayidka, SYL iyo dhismooyin kale oo taariikhi ah.
Booqashadan oo ay ku wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo golaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in uu aad ugu xun yahay burburka xoogan ee soo gaaray goobihii xasuusta qaran Soomaaliyeed u gaarka ahaa, wuxuuna Madaxweynuhu uu sheegay in dowladdiisa ay xil iska saari doonto sidii loo dhisi lahaa xarumahaasi.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay markii uu indhihiisa ku arkay burburka dhismooyinka qadiimiga ahaa iyo goobihii qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in la soo celin doono dhismooyinkaasi.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha dowladda KMG u booqdo goobo ka tirsan magaalada Muqdisho tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray.
Markii xukunka laga tuuray dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbeyntii iyadoo dalka ay ka bilaabatay bililiqo xoogan oo xarumihii dowladda iyo taalooyinkii taariikhiga bililiqo xoogan loo geystay.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho