TFG says"Bomb them" .. Ethiopia Says "No!.. Lets talk"
Posted: Sun Mar 25, 2007 3:14 pm
Ever Since Gheedi wanted HG to get Bombed Ethiopia saw an increase of other Hawiye joining in .. so now even though this could be just a lie to cover up a big dirty plan.... they say we want to talk...and not fight..
-----------------------------------------------------------------------
Jeneral Gabra : Ma jirto qorshe Itoobiya ku duqeyneyso Kulliyadda Jaalle Siyaad ilaa Warshadda Baastadda waana ka qancinay beelaha degaankaas .
Muqdisho ,Axad ,Marso , 25, 2007 , Waagacusub Online
Jeneral Gabra oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadda Itoobiya ee dhinaca Siyaasadda u qaabilsan ayaa iska fogeeyay inay jiraan duqeymo dhinaca Cirka oo Ciidamadda Itoobiya ay la beegsanayaan bara uu tilmaamay Ra'isulwasaarre Geeddi oo gaara ayna degaan hal beel oo ka mida beelaha Muqdisho.
“ Hadalkaasi Itoobiya lagama soo xigan ee waxaa yiri Ra'isulwasaaraha Soomaaliya,beesha degaankaas horjoogayaashooda Siyaasadana waan iska aragnay,waana u sheegnay inaysan Itoobiya shaqo ku lahayn hoowlgalo lagu xasuqayo shacab beel gaara iyo Shacab Soomaaliyeed ,sidaas daraadeed Reer Muqdisho waa inay is dejiyaan ,taageera buuxdana siiyaan sidii nabad loogu dabaali lahaa Caasimadda dalka “ayuu yiri Jeneral Gabra oo tilmaamay inaysan jirin duulaan Ciidamadooda ay ku qaadayaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ilaa Ex kontorool Balcad.
Jeneral Gabra oo u waramayay Waagacusub wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hogaamiyaasha dhaqanka Hawiye aysan damaanad qaadi Karin falalka argagixisinimo ee ay Muqdisho ka wadaan Xasan Dahir,Aadan Xaashi Cayroow,Abuu Maansuur iyo rag kale oo uu sheegay in Sirdoonka Itoobiya ogyihiin dhaqdhaqaaqyadda ay ka wadaan Magaalada,waxaa kale oo uu ku dhaliilay hogaamiyaasha dhaqanka Hawiye inaysan ku kalsooneeyn in hoowlahaas ay u daayaan hogaamiyaasha Siyaasadda ee Hawiye.
“ Is faham waaga qeeyla dhaanta dhaliyay wuxuu yahay hogaamiyaashii dhaqanka Hawiye ayaa doonaya inay toos noola xaajoodaan,anagu waxaan nahay siyaasiyiin,hadii ay diidaan inay soo wakiishaan hogaamiyaasha Siyaasadda ee Hawiye, makla tahay inaan hogaamiye dhaqameedyo Itoobiya uga doono si ay u wada hadlaan waayoo isfahamka wuxu dhex mari karaa laba siyaasi ama laba dhaqanâ€ayuu yiri Jeneral Gabra oo dhinaca kale rajo wanaagsan ka muujiyay in wada hadaladda dib la isugu soo laabto.