Page 1 of 1

BREAKING NEWS TFG PRISONERS OF WAR RELEASED

Posted: Mon Mar 26, 2007 6:15 am
by Hiiraan boy
Mogadishu 26, March.07 ( Sh.M.Network) Maxaabiis ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo dhowaan lagu qabtey dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay eheladooda, ka dib markii xaflad arinkaasi lagu weyneynayo oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha beelaha Hawiye ay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxaabiistaan oo gaareysa ilaa 18 askari laguna qabtey dagaaladii 21 kii bishaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Shirkole ayaa maanta meel fagaaro ah odayaasha beelaha Hawiye ay kula wareejiyeen eeheladii dadkaasi.

Maxaabiistaan oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda ku aadan xuriyadda ay dib u heleen, iyagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay intii ay ku jireen xabsiga.

Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed diiriye oo ka hadlay xafladii lagu wareejinayay Maxaabiistaan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in ay iyana sii deyso dadka u xiran ee aan dambiga laheyn.

Sidoo kale Xafladdaasi ayaa waxaa ka hadlay siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo sheegay in maxaabiistani la wareejiyay ay yihiin dad Somaliyeed isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay helaan xuriyaddooa, isagoo sheegay in la soo marar habaabiyay.

Maxaabiistaan ayaa u badnaa dad Somaliyeed oo ka soo jeeda gobolada fog fog, waxaana ay balan qaadeen in aysan dib dambe ugu qeyb qaadan doonin dagaalo kale.

Xafladii lagu wareejinayay maxaabiistaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotey hay’adaha xuquuqda Aadanaha iyo ehalada maxaabiistaan la wareegtay.

Laakiin ma jirto wax mas’uul ah oo ka tirsan dowladda KMG ah oo ka qeybgalay munaasabaddaasi inkastoo lagu casuumay.

Maxaabiistaan oo gaareysa ilaa 18 askari ayaa waxaa maleeshiyooyin hubeysan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ay ku qabteen dagaalo qaraar oo ay la galeen ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia, dagaaladaasi aoo socday muddo 3 maalmood ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho 21 kii bishaan ayaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 40 ruux halka tiro ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirada maxaabiista la wareejinayo goor dhow kala soco halkaan

Re: BREAKING NEWS TFG PRISONERS OF WAR RELEASED

Posted: Mon Mar 26, 2007 6:24 am
by Lacageylacag
WA GOBANIMO.

HAWIYE WA GOB.

Re: BREAKING NEWS TFG PRISONERS OF WAR RELEASED

Posted: Mon Mar 26, 2007 6:27 am
by gobdoon
If there is such thing as Hawiye or Hawiye is united we wouldn't be in the mess we are in or the killings for the last 17years.