Ismaaciil Buubaa oo Baydhabo ugu haray khilaaf soo kala dhex
Posted: Mon Mar 26, 2007 8:19 am
Ismaaciil Buubaa oo Baydhabo ugu haray khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxda sare ee dowladda
Wasiirka arrimaha dibedda dowladda federaalka Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa
markii ugu horeysay la sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxda
ugu sareysa dowladda, gaar ahaana madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
Khilaafkan ayay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo inuu ka dambeeyey
kadib markii uu ka biyo diiday Mr. Buubaa magacaabida safiiro uu ka biyo diiday iyo arrimo dhaqaale, wuxuuna khilaafku halkii ugu sareysay gaaray 20-kii bishan March kadib markii Mr. Buubaa laga hor istaagay diyaarad Baydhabo ka qaadi laheyd oo isagoo garoonka dhex taagan ay ka tagtay diyaaradii.
Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda oo lagu tilmaamo wasiirkauguhowl karsan uguna
shaqada badan ayaa hadda ku sugan magaalada Baydhabo tan iyo intii uu khilaafku soo
kala dhex galay, waxaana lgacabsi qabaa in xilkaba laga qaado.
Sidoo kale, Mr. Buubaa ayaysan isku wanaagsan madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana
ugu biiray khilaafka isaga iyo Cali Geeddi ka dhex qarxay, sidoo kalena kama
tirsaneyn xubnihii SRRC-da ee sida gaarka ah ugu xirnaa Itoobiya.
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com
Ceelbuur Net