Shariif: Dhawaan dhaq dhaqaaq ayaan bilaabi bilaabi doonaa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Shariif: Dhawaan dhaq dhaqaaq ayaan bilaabi bilaabi doonaa

Post by Hiiraan boy »

Gudoomiyaha Maxkamadihii laga itaalka roonaaday Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda Muqdisho ay dhinacooda joogaan guul, islamarkaana uu xilka xoreynta dalka uu saran yahay jiilka hada Muqdisho joogo.

Sheekh Shariif oo qudbad dheer qadka isgaarsiinta kaga jeediyay shir ka socday magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka dhacay ayna soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa sheegay in Madaxdii maxkamadaha islaamiga ah ee kal jooga gudaha iyo dibada ay isla xiriiraan howshuna ay socoto.
muslimamuslimamuslimamuslima

“Soomaaliya isku meel uma wada jeedan isku fekana ma ahayn, lakiin maanta Soomaali 95% waxaa la dhih karaa isku meel ayey u jeedaa waana Nicmo” ayuu yiri Sheekh Shariif oo Alle ka baryay in uu ummadda quluutooda isku soo duwo.

Sheekh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay xaalada manta uu dalku ku jiro wuxuuna yiri “Dhamaanteen waa inuu hadafkeenu noqdaa inaynu umadaas xurowdo, inay nabad ku noolaato,inay Ilaaheyda raali geliso awooda kasta oo Bani’aadamku sheegtaa tan Ilaah ayaa ka awood badan” ayuu yiri Gudoomiyaha maxkamadaha oo sheegay inay sii fududaaneyso qadiyada.

“laba maalin dabeysha isku mid maaha , maantaan Xamar ka soo baxnay iyo manta wax badan ayaa is badlay, hadii aan dadaalno waa isasii badalayaan, marka ducada iyo dadaalka aan badino taas ayaa laga ma maarmaan ah” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif oo sii daba dhigay inay dhawaan bilaabi doonaan dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo dhinaca dibada ah.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: Shariif: Dhawaan dhaq dhaqaaq ayaan bilaabi bilaabi doonaa

Post by sadeboi »

Dagaalka ka socdo Muqdisho waxaa dagaalayo Hawiye iyo TFG/tigre, so is the Shiekh speaking as Hawiye man when he says we are winning the war, because the ICU are not fighting and the Hawiyes have made that clear.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”