Bayaan ay Beesha Yuusuf Daarood ee Awrtable soo saareen
Posted: Wed Mar 28, 2007 1:04 pm
Bayaan ay Beesha Yuusuf Daarood ee Awrtable soo saareen oo ay ku cadeeyeen in guddoomiyaha siyaasadda ee beeshu uu yahay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf
Ku: Dhammaan beelaha Somaaliyeed.
Ku: Dowladda Federaalka
Ku: Ururada Bulashada
UJEEDDO: In Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) uu Maxamed Cabdi Yuusuf u yahay
Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada.
Hordhac:
Wadatashiyo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay lahaayeen waxgaradka,
aqoonyahanada, odayaasha, Ganacsatada, culimada, haweenka iyo dhalinyarada Beesha
Yuusuf Daarood (Awrtable) ee ku nool dalka gudahiisa iyo debadiisa ayeey beeshu
kasoo saartay bayaan ay ku taageerayaan Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo ahaan
jiray Ra'iisul Wasaarihii Dowladiii Carta haddana kamid ah xildhibaanada kasoo
horjeeda siyaasada Guracan ee Col. C.lahi Yusuf. Waxayna meesha ka saareen
Warsaxaafadeed ku sheeg kusoo baxay bogga Internetka 25/Mar/2007
shabakadaha Warbaahinta ee www.puntlandpost.com iyo www.horseednet.com
Kadib markii ay beeshu dabagal ku sameeyeen halka ay kasoo xigteen
Warsaxaafadeedkaas, oo sida ay daabaceen ku sheegeen inuu yahay "xoghayaha arimaha
siyaasada ahna af-hayeenka beesha" ayaa waxaa beeshu wax kama jiraan ku tilmaantay
sheegashada beenta ah oo lagu marin habaabinayo hanaanka beesha, looguna adeegayo
dad gaar ah. kulankaas ayeey beeshu kasoo saartay qodobo muhiim ah.
1-Waxay beeshu cadeenaysaa inuu Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf uu yahay Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada Beesha Yusuf Daarood (Awrtable) loona magacaabay xilkaas 15-August-2004. horayna ay beeshu ugu baahisay Bogagga Internetdka
http://www.somaliatalk.com/2004/august/15aug204.html iyo http://www.burtinle.com/news/august/beel2.html
2-Inaysan beeshu waxba kala socon xilka Mudane Maxamed siciid cali (dhagaxtuur) iyo
sheegashadiisa ah inuu yahay xoghayaha arimaha siyaasada ahna af-hayeenka beesha.
3-Inaysan jirin wax Codsi ah oo ay beeshu u gudbisay Baarlamanka DF, oo lagu doonayo
in xilka looga qaado Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf Dowladuuna ay ku kala
qaybsantahay Mabda' Maxamed Cabdi Yusufna uu Xor u yahay Mabda'iisa.
4-Waxaan usoo jeedinaynaa Mudane Maxamed Siciid Cali (Dhagaxtuur) inuu raali galiyo
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf iyo beeshaba, waraysiyada iyo Warsaxaafadeedka uu uguadeegayo shaqsiyaadka gaarka ahna joojiyo, damacna uusan ka galin xilka Mudane
Maxamed Cabi Yusuf.
5-Ugu danbeentii waxaan DFKMG, dhamaan Beellaha somaliyeed, Ururada Bulshada, iyo
Siyaasiyiinta u cadeenaynaa in Mudane Maxamed Cabi Yusuf uu heesto Kalsoonidii
Beeshiisa, una dhiibteen xilka uu hayo. Kala qaybsanaanta Siyaasadeed ee Dowladuna
aan loogu macneen karin Danbiile, Dowladuna ay ka laabato qorshaheda guracan oo ay
ku doonayso in ay beesha kala qaybiso.
Sidoo kale waxaan uga digaynaa Website-yada kala ah www.puntlandpost.com oo
daabacay http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=8154 iyo
www.horseednet.com oo asagana daabacay http://www.horseednet.com/horseednet.php?id=6445 arimo lagu wiiqayo sharafta, iyo Karaamada Xildhiban maxamed Cabdi Yusuf iyo Beeshaba inay ka feejignaadaan waxay soo daabacayaan, ilaaliyaana Sharafta saxaafadda.
Waxaan sidoo kale uga digaynaa Idaacadda SBC ee fadhigeedu yahay magalaada Bosaaso
oo waraysi la yeelatay Maxamed Siciid Ali (Dhagaxtuur) oo ku sugan Magaalada
BAYDHABO inay hubsato cidda ay waraysiga ka qaadayso iyo xilka uu hayo inuu yahay
mid sax ah.