2 ETHIOPIAN TANKS DESTROYED
Posted: Thu Mar 29, 2007 3:29 am
Mogadishu 29, March.07 ( Sh.M.Network) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo xoogan oo wali ka soconaya caasimadda Somalia , iyadoo labo taanki looga gubay ciidamada Ethiopia wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Dagaalo xoogan oo saakay ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa galaaftay nolosha in ka badan 7 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah dagaal xoogan oo ka soconaya wadada warshadaha, ilaa labo taanki ayaa ciidamada Ethiopia halkaasi looga gubay, iyadoo wali ay soconayso rasaas xoogan iyo madaafiic.
Halka lagu gubay labadan taanki ayaa waxaa dul heehaabaya diyaarado Helicoptor ah oo kor ka ilaalinaya, iyadoo xaalada halkaasi ay cakiran tahay.
Dagaalkaan oo bilowday saakay waabarigii, salaadii subax ka dib ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii cuslaanaya, iyadoo uu ku fidayo deegaano hor leh.