Is abaabul xoogan oo ka socda xaafado ka mid ah Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Is abaabul xoogan oo ka socda xaafado ka mid ah Muqdisho

Post by Hiiraan boy »

(SomaliNet) Kadib markii ay saakay aroortii ay ciidamada Ethiopia howlgalo ka bilaabeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxo aad u hubeysay oo ka soo hor-jeeda ciidamada shisheeye ee dalka jooga isla markaana xaalada magalaada ay noqotay goob dagaal ayaa waxaa ka socda xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho is abaabul dagaal oo looga soo horjeedo howlgalada ay ciidamada Ethiopia saakay ku dhaqaaqeen.

Xaafadaha suuqa xoolaha iyo Ex, Controlkii hore ee Balcad ayaa waxaa ka socda is abaabul dagaal kii ugu xooga badnaa ee maal-mahan dambe laga dareemo magalada Muqdisho, kadib markii saakay aroortii lagu arkay qeybo badan oo ka tirsan xaafadaha Muqdisho ciidamo Ethiopian- ah oo wata taangiyo iyo hubka culculus, kuwaasoo la wareegay gacan ku heynta xafadaha qaar, waxayna taasi soo dedejisay in dadka Muqdisho ku dhaqan ay bilaabeen inay iska caabiyaan ciidamada Ethiopia ee howlgalada ka wada qeybo ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo madaafiic aan loo meel dayid isaga tuuraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay sababtay dhimasho iyo dhaawac xoog leh.

Agagaarka wasaaradii hore ee gaashandhiga ayaa maanta mar kale uu dagaal ka qarxay, iyadoo uu hakad galay isku socodka gurmadka ciidamada Ethiopia ee ku sugan agagaarka Warshadaha, Isbartiibada iyo Towfiiq, iyadoo xaaladu ay tahay mid ka sii dareysa xiliba xiliga ka dambeya, waxaana lagu soo waramayaa in uu sii kordhayo qasaaraha dagaalka.

Dhawaqa rasaasta Madaafiicda ayaa waxaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho si aan ciidi ahayn, iyadoo aan loo aabayeeleyn meesha lagu ridayo iyo cida loola dan leeyahay, waxaadna moodaa in ciidamada Ethiopia ay la dagaalamayaan dhamaan dadka ku nool magaalada Muqdisho oo ay u arkaa inay yihiin cadowgooda, waxaana soo badanaya dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka soo gaaraya,waxaana deegaano badan ku soo ku soo kordhaya kooxo si weyn u hubeysay oo ka soo hor jeeda howlgalka ay ciidamada Ethiopia saakay ka bilaabeen magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa sii badanaya dadka ka qaxaya magaalada, iyadoo ay tahay mid ay xaaladeedu sii xumaaneyso magaalada Muqdisho oo ayna jirin cid isku aamini karta marka aad eegto xaalada ay maanta ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid ilaa iyo iminka isku dayday in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ay meesha ka baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay wada galeen odoyaasha beelaha Hawiye iyo sarakiisha ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”