Page 1 of 1

Hayaat Hospital is destroyed Yashid and Wardhigley on fire

Posted: Fri Mar 30, 2007 11:40 am
by COSTA
Madaafiic xiligaan lagu harqinayo xaafadah Wardhiigley iyo Yaqshiid iyo Isbitaalka Alxayaad oo dhulka la dhigay


Dagaal aad u qaraar oo leysku gabal gaabsaday ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho kasoo u dhaxeeyo xoogag aad u diidan joogitaanka ciidamada shisheye iyo ciidamada Itoobiyaka ah , dagaalka oo u muuqda mid fool ka fool ah ayaa u muuqdo mid ay iska caabin xoogan ay kala kulmayaan ciidamada Itoobiya oo u muuqda kuwa aan waxba reebanin iyagoona ku dirirayo dhul iyo Cir.

Dagaalka maalintii labaad socda ayaa la dhihi karaa waa kii ugu kululaa ee muda ka dhaca caasimada Muqdisho iyadoona dagaalka u muuqda mid barba marka ka danbeysa ay soo xoogeysanayaan ciidamada kacdoonka kawada Muqdisho .

Xaafadaha Wardhigley iyo Yaqshiid ayaa u muuqda kuwa ka daalay madaafiicda aan loo meel dayeynin iyadoona isbitaalka Xayaad intabadan dhulka la dhigay .

Ciidamada Itoobiya oo maanta laga soo riday diyaarado ayaa ciidamadooda ku godoonsan yihiin garoonka Istaadiyoon Muqdisho iyagoona ay ka goday Sahadii , ilaa iyo hadana gurmadyadoodiina ay soo gaari la yihiin

Raali galin dadweynaha dayniile .com ku xiran tayaxumada maalmahaan wararkeena madaama uu maqanyahay madaxii wararka Muqdisho iyadoona aan ra jeyn doono in aad