Page 1 of 1

Ethiopian and TFG in Villa Somalia are Bombing Mogadishu

Posted: Fri Mar 30, 2007 1:25 pm
by COSTA
Like Grozny of Chechnia

Madaafiicdaasi ayaa lala beegsaday degaanada Magaalada Muqdisho , waxeyna sababeyn dhimashada dad fara badan oo aanu waxba galabsan.

Xaafado badan oo ku dhow goobaha dagaalka ayaa waxaa lagu garaacay Madaafiic qoriga BM-ka kaasi oo laga soo tuuray Xarunta Madaxtooyada. halka uu ka soo dhacayo Madfacaasi ayaa welwel xoog leh waxuu geliyay dadka degan xaafadaha ku dhow Madaxtooyada.

Dadweynaha ayaa waxaa la soo gudboonaaday barakac inkastoo aysan jirin wax gaadiid ah oo ay raacaan , waxaase ku arki kartaa wadooyinka qaar Haween iyo caruur lugeenayo kuwaasi oo aanu awoodi karin in ay u adkeystaan dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaas ayaa si aad ah looga maqlayay xaafado badan oo magaalada ah , kuwaasi oo dadkii deganaa badankood ay ka qaxeyn.