Ethiopian and TFG armies started house to house search in X.
Posted: Sat Mar 31, 2007 5:07 am
Muqdisho: Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo baaritaano ka bilaabay agagaarka saldhiga Wardhiigley iyo dhismayaasha Xamar Bile.
Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa goor dhow howlo baaris ah ka bilaabay agagaarka saldhiga degmada Wardhiigley, daaraha ku yaala Xamar Bille iyo soonaha Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo saakay dagaal xoogan ay kula galeen halkaasi kooxaha kale ee ka soo horjeeda ayey si buuxda gacan ku heynta deegaanadaasi ugula wareegeen iyadoo durbadiiba bilaabay in ay baaritaano xiligan socda ay ku sameeyeen guryaha xaafadahaasi.
Dhinaca kale Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa waxaa lagu tuuray xarunta Villa Somalia iyadoo aan la ogeyn goobaha laga soo dirayo madaafiicdaasi.
Dhinaca kale waxaa si xoogan uu dagaalka ugu socdaa agagaarka Isgoyska Towfiiq oo kooxaha ka soo horjeeda ay fariisin ka dhigteen halkaasi waxaana socda madaafiicda lala bar tilmaameedsanayo kooxahaasi oo iyagana jawaabo xoogan ay soo ridayaan.