TFG takes full control of Mogadisho, starts house search !!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

TFG takes full control of Mogadisho, starts house search !!!

Post by Somaliman% »

DF oo la wareegtey gacan ku heynta goobo cusub
31 Mar 31, 2007 - 2:34:25 AM



Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in duhurnimadii maanta ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ku guuleysteen in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanadii saakay la isku hayey ee Xamar Bile, Cali Kamiin, Xararyaale, Baar Ayaan iyo agagaarka saldhiga Wardhiigley.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia aysan jirin cid haatan dagaal kula jirto oo xaaladu ay degan tahay waxayna ciidamadii kale ee ka soo horjeeday ay u dhaqaaqeen dhinaca wadada Curyaamiin iyo isgoyska Toowfiiq halkaasi oo ay ka soo ridayaan madaafiicda garbaha laga tuuro iyo rasaasta kala duwan, walow xiligan dagaal xoogan uusan socon.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF ayaa lagu soo waramayaa in ay isku fidiyeen xaafada Wardhiigley Cali Kamiin, Baar Ayaan taasoo sahashay in ay isku furanto xarunta Xisbiga ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Afhayeenka dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen deegaanadii la isku hayey isla markaana ay kala carareen kooxihii kacdoonka waday, wuxuuna intaa raaciyay in inta harsan saacadaha soo socda ay dhameystiri doonaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa xaafdaha ay la wareegeen ku haya baaritaano.
User avatar
STREET_SWEEPERR
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5738
Joined: Thu Feb 08, 2007 2:53 pm
Location: Downing street

Re: TFG takes full control of Mogadisho, starts house search !!!

Post by STREET_SWEEPERR »

BULLSHIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIT
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”