NEW ETHIOPIAN ARMIES TO MOGADISHU
Posted: Sat Mar 31, 2007 11:27 am
ONLY XALEY 37 HAWIYE GOT KILLED AND 200+ INJURED
LISTEN THE BBC OF TODAY
Sabti Mar 31, 2007 (HOL) Ciidamo ku beysan Gawaarida Dagaalka oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo qalabka Biim'emka ayaa ka Gudbay gobalka Hiiraan iyaga oo u sii jaheystay watada dheer ee gasha dhinaca magaalada Muqdisho.
ciidamada oo saacadihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr ayaa markii hore dadku u heystay in ay ku soo wajan yihiin gudaha magaalada, lakiin taa ayaa meesha ka baxday kadib markii ciidamadu dhamaatood mareen Duleedka deegaanka Jante-Guundisho, waxaana wararka ka soo baxaya deegaanadii ay sii mareen ciidamadu ay sheegayaan in mar marka qaar ay ku hakanayeen iyaga oo cidna la hadlin lakiin u muuqda kuwa iska hubinaya amaanka goobta ay joogaan iyo waliba deegaanada ka sii horeeya.
Ma'aha oo kaliya ciidamada Itoobiya ee ku sii jeeda Magaalada Muqdisho kuwan ka gudbay gobalka hiiraan ee xitaa wararka soo baxaya Gobalka Bakool ee dariska la ah gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo xoog leh oo halkaa lagu arkay kuwaasoo loo maleynayo in ay ku biirayaan ciidamda ku sii qul-qulay caasimada muqdisho oo uu dagaal qaraari ka socdo.
Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka gobalka oo ay HOL wax ka weydiisay waxa ay kala socdaan ciidamada ka gudbay Gobalka, ayeey ka gaabsadeen in ay wax jawaab ah ka bixiyaan, waxaana jira warar sheegay in ka hor inta aysan ciidamadu bilaabin socod kooda ay xiriir la soo sameeyeen mas'uuliyiita maamulka Gobalka si ay gacan uga siiyaan safarkooda in ay marayaan gudaha gobalka.
dhanka kale habeenimadii xalay ayaa kooxo dabley ah waxaa ay weerar ku qaadeen Gudaha Magaalada B/weyn Guriga uu dagan yahay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan Gacmey, walow aysan cidana wax ku noqon wararkaa oo loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuura ah, waxaana wararkan uu daba joogaa warar dhawaan sidoo kale kooxo hubeysan ay ku qaadeen saldhiga Booliska ee magaalada B/weyn.
C/raxmaan diini, hiiraan online
diini@hiiraan.com