



Ciidamada DFKM oo seddex Madaafiic ku aamusiay Idaacadda caanka ah ee Hornafrik
Dagaalada kasocda Magaalada Muqdisho oo saameyn ballaarani ay ku yeelatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Saakay waxay sababtay in ay xirto guud ahaan Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu ku habsaday Xarunta Idaacadaasi sadax-madfac.
Idaacadda ayaa waxa ay kutaalaa Jidcadde looga leexdo Laamiga Xaruntii hore ee Maxkamadda Ifka Xalane iyadoo xaruntaasina ay si toos ah ugu beegan tahay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, waxaana saakay ku habsaday Xaruntaasi sadax-madfac oo ka yimid dhanka Xamar bile oo Itoobiyaanku ay soo tuureen.
Lama garanayo khasaaraha soo gaaray Idaacadaasi hayeeshee markii ay sadaxdaasi Madfac ku dhacday ayaa guud ahaan Idaacaddu ay hawada ka baxday lamana garanayo in ay dib ugu soo laaban doonyo.
Mar aan la xiriirnay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadaasi ayaa waxa ay inoo sheegeen in xaaladda deegaanka ay ku taalo idaacadaasi oo kacsan awgii aysan sheegi Karin in ay dib u shidi karaan Idaacadaasi iyo inkale.
Waa Idaacaddii ugu horeysay oo Muqdisho kutaalla Isla markaana lagu xiro Madfac Itoobiyaan uu soo tuuray maadaama ay kutaalo goobta uu dagaalka kasoconayo