Page 1 of 1

Baabuur la sheegay in uu hub u siday ciidamada Itoobiya oo a

Posted: Sat Mar 31, 2007 3:19 pm
by Hiiraan boy
Baabuur la sheegay in uu hub u siday ciidamada Itoobiya oo ay miino la qaraxday & warbixin ku saabsan goobihii ay labada ciidan gabalku ugu dhacay

Dagaalkii ugu cuslaa oo maalintii 3-aad ku dhexmarayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ciidamada dowladda Itoobiya & xooggaga ka soo horjeeda ee muddooyinkii u danbeeyey kacdoonka ka waday magaalada Muqdisho ayey labada dhin caawa gabalku ugu kala dhacay, ciidamada Itoobiya oo ku sugan Isgoyska Floransa & kooxaha ka soo horjeeda oo ku sugan xaafadaha Wardhiigleey, Xamar Bile & Isgoyska Siinaay, iyadoo uu dagaalku si iskiis ah u qaboobay markii galabta gabalku dhacay.

Dagaalka maanta ayaa ahaa kii ugu cuslaa marka loo eego dagaaladii soconayey saddexdii cisho, waxeyna ciidamada Itoobiyaanku madaafiic aan loo aabo yeelin ku duqeeyeen goobihii ay ka dirarayeen xooggaga ka soo horjeeday, iyadoo labada dhinac uu soo gaaray qasaare lixdaad leh, waxaana weeraradii ugu cuslaa ee maanta dhacay ka mid ahaa, weerar ay Isgoyska Florensa ku soo qaadeen maleeshiyooyinka ka soo horjeeda Itoobiyaanka oo halkaasi ku gubay gaari Zuu ahaa, inkastoo markii dambe maleeshiyooyinkaasi dib loogu riiay halkii ay weerarka ka soo qaadeen oo aheyd dugsiga Max'uud Xarbi.

Tiro gaareysa 10-neeyo meydadka ciidamada Itoobiyaanka ayaa weli daadsan waddooyinkii lagu diriray labadii cisho, waxeyna Itoobiyaanka dhinacooda sheegeen in ay dagaalkaasi ku dileen 200 oo ka tirsan kooxaha falalka qarbudaada ah ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo qasaarihii ugu badnaa ee ka dhashay dagaalkii maanta uu soo gaaray dad rayid ah, waxaana dadka dagaalka maanta & shalay ku dhintay ka mid ahaa qoys degan agagaarka Isgoyska Towfiiq oo isu diyaarnayey in ay gurigooda ka qaxaan oo madfac uu ku soo dhacay, ayna halkaasi ku dhinteen hooyadii, aabihii & 2 ka mid ah caruurtooda, halka sidoo kale, gurigii uu deganaa madfac ku soo dhacay uu dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Makhtal, caanna ka ahaa inta u dhexeysa Isgoyska Baar Ubax & Ex. Warshadii sigaarka & taraqa halkaasoo uu ku lahaa garaash weyn, iyadoo dhimashada soo gaartay dadka rayidka ah ay noqotay wax tiro belay, halka dhaawacyaduna ay daadsan yihiin Isbitaalada & rugaha caafimaadka.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in baabuur ka yimid dhinaca Baydhabo oo hub u siday ciidamada Itoobiyaanka in ay miino kula qaraxday tuulada Leego.

Xafiiska, Muqdisho, Somalia
dayniilecom @hotmail.com