Hogaamiyayaasha Kacdoonka Oo Shuruud ku Xiray Xabad Joojinta

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Hogaamiyayaasha Kacdoonka Oo Shuruud ku Xiray Xabad Joojinta

Post by Hiiraan boy »

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hoggaamiyayaasha kacdoonka dalka iyo kuwa Guurtida beelaha Hawiye ayaa la sheegay iney sharuud adag ku xireen xabad joojin la la gaaro Mas-uuliyiinta Dowlada Ethiopia ee xaquuqa ka wada magaalada Muqdisho, inkasto ay aqbaleen xabbad joojin shuruudo wata, wararka ayaa sheegaya in illaa xalay uu socdey gor-gortan lagu xaqiijinayo xabad joojinta oo uu duqeyda la wadey Melez Zenawi qudhiisa...
Warar aan si rasmi ah loo shaacin ayaa sheegaya in ilaa shalay gelinkii dambe ay si xawli ah u socdeen dhaqdhaqaaq iyo dadaalo xagga isgaarsiinta ah oo u dhexeeyey Madaxda Ethiopia iyo waxgaradka Muqdisho, waxaana markii dambe markii la is mari waayey wada hadalka ku soo biirey Meles Zenawi qudhiisa oo la soo hadley koox ka mid ah duqeyda Beelaha Hawiye.
Wararka ayaa sheegaya in Meles Zenawi uu dalbadey in xabbadda la joojiyo si ciidamadiisa uu ugala baxo goobaha ay ku sugan yihiin, hase yeeshee waxaa wararku sheegayaan in lagu xirey inuu isagu marka hore ku dhawaaqo xabad-joojinta, kadibna uu ciidamdiisa kala baxo Muqdisho isaga oo sidoo kalena ku dhawaaqaya inaysan ciidamdiisu hawlgal dambe magaalada ka fulin doonin dalkana ay isaga baxayaan, Wararka ayaa sheegaya in la isku mari waayey qaar kamid ah qodobaddii ay Guurtida hor dhigeen si xabbad joojinta loo ansixiyo, iyadoo loo caddeeyey inaysan marna aamini karin Kooxda Melez Zenawi oo hore xabbad joojinta u jebiyey, Wararka ayaa intaasi raacinayaa in Mas-uuliyiinta Dowlada Mareykanka ah ay soo dhex galeen wada xaajoodkaasi iyagoo u soo maray siyaasiyiin, Aqoonyahanno, iyo Culumaa-udiin waxeyna codsadeen in si deg deg ah xabada loo joojiyo, ma jiraan cid si rasmi ah u xaqiijin karta sugnaanta wada hadalka la sheegey.Saakey ayaa goobihii dagaalka laga maqlayey dhawaqa rasaasta oo goos-goos ah iyo meelaha qaar oo madaafiic la is weydaarsadey, hase yeeshee lama soo sheegin iska hor imaad la mid ah kuwii 3-dii maalmood ee u dambeeyay ka dhacaayay Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”