"Waligiiba C/laahi Yuusuf Wuu Doonayey inuu Ummada Xamar Xasuuqo wuxuuna ahaa ajende u qarsoon"…Faysal Cali Warabe oo khudbad u jeediyay
"Xamar inuu ilaahay nabad ku soo celiyo aynu u barino,waxaan leeyahay yaan dalka la burburin,inta C/laahi yuusuf Vila Somali u fadhiistay ayuu doonayaa inu diyaarado ajanebi ah u adeegsado,waa inaan arintaa ka damqano,umad isku dhiig ah ayanu nahay waa inaan codkaliya ku nidhaa diidnay ma ogolin in umada la xasuuqo oo kursi lagu raadiyo dhiiga umada,waa in meel looga soo wada jeedsado,waligiiba C/laahi Yuusuf wuu doonayay inuu umada xamar iyo gobolka banaadir xasuuqo wuxuuna ahaa ajande u qarsoon", sida waxa uu ka sheegay Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID En, Faysal Cali waraabe mar uu shalay ka hadlayey munaasibad balaadhan oo lagu xusayey dhalashadii nebi maxamed [N.N.K.H] oo lagu qabtay fagaaraha magaalada Boorame
Munaasabadan lagu weyneeyaye xuska dhalashada nabigeenii subanaa ee Maxamed [NNKH] oo shalay lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee Boorama, ayaa waxa ka soo qeybgalay, Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng,m Faysal Cali waraabe, Maayarka degmada Boorame,Maayarka degmada Gabilay, xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada, culimo awdiin iyo marti sharaf kale.
Nabi Muxamed [N.N.K.H] waa waa shakhsiga ugu khayrka iyo karaamada badan cid dhulkan dushiisa ku socota,hadii isbedel aduunkan ka dhacaya isaga ayaa la yimid isbadalkii ugu waynaa ee koonkan ka dhaca " Nabi Muxamed [N.N.K.H] waa waa shakhsiga ugu khayrka iyo karaamada badan cid dhulkan dushiisa ku socotay waa macalinkii eebe u soo diray si uu inoo baro dariiqa saalixa ah ee islaanimada,hadii isbadal aduunkan ka dhacayna isaga ayaa la yimid isbedelkii ugu waynaa ee koonkan ka dhaca,umada oo dulmi ku jirta ayuu nuur u keenay,waana wax ilaahay loogu mahadnaqo inaynu ka mid noqono kuwii raacay ,waana wax loo baahan yahay in sunihiisii la qaato,oo la xuso,waxaanan reer Boorama uga mahadnaqayaa sida ay u wayneeyeen xuskan dhalashada nabiga,cida diidan ee ka soo hor jeedana waxaan ilaahay uga baryayaa inuu soo hadeeyo" ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo ka hadlayey in loo baahan yahay inay ummadda muslimiinku si weyn u xusto dhalashada nebi maxamed
MD, Faysal waxa uu Sheegay inuu rajeynayo inuu dalkan Somaliland noqdo dalkii ugu horeeyey ee lagu xukumo shareecada islaamka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Muslimiintii maanta meel ay galaan ayey la’ayihiin oo dariiq kasta waa taa cabsidu u taalo ee aan midna mid u gargaarayn,walaalayaal dhibaatadda ina haysata waa diintii oo laga tagay ee ha loo soo noqdo waayo iyada ayaynu sacaadada iyo guusha ku gaadhaynaa,walaalayaal waxaan rajaynayaa in dalkeena somaliland uu noqdo dalka ugu horeeya ee diinta iyo shareecada islaamka la isku maamulo,markaas ayaynu agoonta,gobolkanâ€.
Waxa uu gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng, Cali Wareebe ayaa welwel ka muujiyey dagaalka maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeyey inuu caqqable C/laahi yuusuf xasuuq bahalnimo la beegsanayo umada reer muqdisho, isagoo adeegsanayaa ajanebi"Xamar inuu ilaahay nabad
C/laahi Yuusuf Wuu Doonayey inuu Ummada Xamar Xasuuqo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 685 Views
-
Last post by highclass
-
- 1 Replies
- 754 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 0 Replies
- 549 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 774 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 662 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 599 Views
-
Last post by siciid harti
-
- 0 Replies
- 594 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 633 Views
-
Last post by FBISOMALIA