C/YUSUF:WE ARE READY TO RECOGNISE SOMALILAND, MIDNIMO LOLZ

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

C/YUSUF:WE ARE READY TO RECOGNISE SOMALILAND, MIDNIMO LOLZ

Post by fagash_killer »

Cabdillahi Yussuf oo ku Wargaliyey Ethiopia iyo Midowga Africa in uu Raali ka yahay in la Aqoonsado Somaliland

Wargays u dhuun-daloola Siyaasada Dawlada Imbagaati ee Cabdillahi Yussuf hogaaminaayo oo la yidhaahdo Midnimo.com ayaa maanta daabacay in Cabdillahi Yussuf iyo Dawladiisu ay diyaar u yihiin in ay Ictiraafaan Somaliland.

Wargayska oo ka hadlaaya arinta ayaaa qoray.......... Ilo Muhiim ah oo lagu Kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Ethiopia, Cabdillahi Yussuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi ay taageersanyiin heshiiska Ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, siiba Isticmaalka dekeda Berbera.

Itoobiya waxay dadaal ugu jirtaa sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa,iyada oo ujeedadeeda ugu weyn ay tahay Isticmaalka Dekedda Berbera oo ay Itoobiya baahi weyn u qabto.

Cabdillahi Yussuf ayaa Dowladda Itoobiya iyo Midowga Afrika ku wargeliyay in aanu waxba ka qabin in Somaliland loo aqoonsado Dowlad madax bannaan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo saraakiisha Xafiiska Midowga Afrika ayaa laga soo xigtay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegaaya in aanu waxba ka qabin in Somaliland loo aqoonsado Dowlad gooni ah iyada oo qoraalkaas uu Xafiiska Midowga Afrika ee Adis ababa uu keenay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiillahi Sheekh Ismaaciil.

Dowladda Itoobiya ayaa ballan ugu qaaday Cabdillhi Yussuf iyo Ra’iisal wasaare Geeddi in dalka Soomaaliya gacanta loo galin doono, laguna taageeri doono sidii loo xasilin lahaa.....Haddii ay oofiyaan balamadii ay galeen ee ku saabsanaa Aqoonsiga Somaliland iyo arimaha nabadgelyada ee Gobolka.

By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.com

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”