




Sidii oday malluugaha bartiyo moorada iyo faalka
Bal aan mariyo maansada anay igu majeertaane
Maskan iyo Cagaar Habar Jeclo mooyo tumanaysa
Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda
Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae
Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye
Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare
Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase
Madda kama helaan inamadii magaca waynaaye
MadaxGaallo iyo Toommo iyo Magan Xawaalkiisa
Maatadu haraad Samataroow waa ku madhataaye
Moqorraysta waataad arliga madhax u diiddeene
Kana macaasha waataad in badan maya lahaydeene
Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye
Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline
Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye
Ragse hadu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo
Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane
maatada rasaas lala dhacaa malaha maamuuse
Makhrib reero degey tuugag baa mira habeenkiiye
Marjaf lama ammaanee baqii magane yuu raacay
Misir iyo Madheedh iyo Galgalo maye ragi joogay
Mataanaha gobka le Kahinaw waa lagama marmaane
Maryo Dhiig le baa lagu furtay iyo mayd la qawracaye
Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye
Mudo aan yarayn baan Nugaal muranto taagnayde
Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane
Allaylehe Isaaq baa mulkiyey maaxdi Caynaba'e
naago amxaaro think hawiye waa maasakin la dhaco.
we will seeeeeeeeeeeeee








muse issaqson