Puntland Moroyaan
Posted: Mon Apr 02, 2007 7:54 am
Maleeshiyada laga keenay Puntland ayaa bilaabay in ay isbaareystaan dadka iyo gaadiidka, iyagoo mar marsiyo uga dhiganaya in ay wax baarayaan
Maleeshiyada Qabiileedka Puntland ee uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf usoo hogaamiyay Muqdisho ayaa bilaabay in ay isbaareystaan dadka iyo gaadiidka, iyagoo mar marsiyo uga dhiganaya in ay wax baarayaan.
Maalinimadii shalay ayaa Maleeshiyo Puntland ah oo ku sugneyd agagaarka Ex Baarlamaanka ayaa waxa ay dhac qaawan u geysteen dad rakaab ahaa oo ka qaxayay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka qaatay lacagihii ay wateen.
Mid ka mid ah dadkaas oo dib ugu soo laabtay deegaankiisa ayaa sheegay in uu awoodi waayay inuu gaaro halkii uu doonayay, sababo uu ku sheegay in lacagihii ay siteen oo laga wada qaatay.
"markii aan soo raacnay gaariga, ayaa waxaa nagula istaajiyay Ex Baarlamaanka, waxaana na baaray Ciidamada jooga Madaxtooyada, intii ay ku guda jireen baaristooda ayay waxa ay sanduuq kala soo baxeen Lacagihii aan wadanay"ayuu yiri mid ka mid ah dadkii isku dayay in ay ka qaxaan caasimada oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.
Waxa uu intaa ku daray in markii ay isku dayeen in la hadlaan oo ay weydiiyaan sababaha ay lacagta uga qaateen, ayaa waxa uu sheegay in ay ugu jawaabeen, in ay yihiin Basaasiin u shaqeysa Argagixisada, hadii ay warka badiyaan ay Xabsiga u taxaabayaan.
Sidoo kale Ciidamada Puntland laga keenay ayaa waxa ay falal dhac ka wadaan Agagaarka Masjidka Isbaheysiga oo ah ay ku leeyihiin Bar Ctrl, waxaana la sheegay in dhowr qofood ay ka qaateen Mobil-ladooda, marka la weydiiyay waxa ay u qaadanayaan waxa ay ku jawaabaan Argagixiso baa tihiin iyo Basaasiin.
Ciidamada Puntlandeska ee qaska ka bilaabay Caasimada, ayaa la sheegay in ay ku socdaan sida wadadii ay ku socdeen Kooxihii Burcada ee dadka dhibaateyn jirtay, laakiin kuwan ayagoo magic ciidan sita ayay dadka waxa ay kula dhaqmayaan si bani'aadanimo ka bax ah, iyagoo ku mar marsiyoonaya in ay wax baarayaan.
http://www.jowhar.com/php/news.php?readmore=461