More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
smooth
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3947
Joined: Tue Jan 20, 2004 7:00 pm
Location: London

More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by smooth »

Ciidamada Itoobiyaan ah oo sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen wata 4 gaari ayaa saaka aroor hore soo gaaray degmada Baladweyne, waxayna halkaa kala kulmeen abaarihii 9:00 aroornimo qaar ka mid ah hogaan dhaqameydyada deegaankaasi oo uu ku jiro Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ugaaska beesha Xawaadle.

Saraakiisha ciidamadan wadatay waxay u sheegtay odoyaasha deegaanka in ay degayaan Janta Kundisho oo ah kontaroolka looga leexdo magaalada Baladweyne wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo. waxaa kale oo ay odoyaashu ku wargeliyeen in ay doonayaan in ay qabqabtaan waxa ay ugu yeereen Firxadka Al-Qaacida. waxayna odoyaasha ka codsadeen in ay arrintaasi kala shaqeeyaan.

Soo degida ay ciidamada Itoobiya soo degeen goobtaan muhiimka ah waxaa loo fahmayaa in ujeedadu tahay in ay si fiican u kontaroolaan gaadiidka iyo dadka maraya wadadaas; waxaana loo arkaa in talaabadan cusubi tahay isku day ay dowlada Itoobiya ku dooneyso in ay si toos ah u maamusho magaalooyinka muhiimka ah.
X-unit
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 914
Joined: Sat Mar 31, 2007 2:31 pm
Location: Beledweyne

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by X-unit »

[quote="smooth"]Ciidamada Itoobiyaan ah oo sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen wata 4 gaari ayaa saaka aroor hore soo gaaray degmada Baladweyne, waxayna halkaa kala kulmeen abaarihii 9:00 aroornimo qaar ka mid ah hogaan dhaqameydyada deegaankaasi oo uu ku jiro Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ugaaska beesha Xawaadle.

Saraakiisha ciidamadan wadatay waxay u sheegtay odoyaasha deegaanka in ay degayaan Janta Kundisho oo ah kontaroolka looga leexdo magaalada Baladweyne wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo. waxaa kale oo ay odoyaashu ku wargeliyeen in ay doonayaan in ay qabqabtaan waxa ay ugu yeereen Firxadka Al-Qaacida. waxayna odoyaasha ka codsadeen in ay arrintaasi kala shaqeeyaan.

Soo degida ay ciidamada Itoobiya soo degeen goobtaan muhiimka ah waxaa loo fahmayaa in ujeedadu tahay in ay si fiican u kontaroolaan gaadiidka iyo dadka maraya wadadaas; waxaana loo arkaa in talaabadan cusubi tahay isku day ay dowlada Itoobiya ku dooneyso in ay si toos ah u maamusho magaalooyinka muhiimka ah.[/quote]

Shame on Xawaadle....Habartiin wasee meeesha ka kaca.....
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by eyes-only »

war leave xawaadle alone, you don't fight an army like that. You wait until they settle, pretend to be supporting them, learn when and where best to attack them and then do it. Habargidir and xawaadle dhaxdooda lamagalo... and no way is xawaadle going to help anyone that wants to fight habargidir least of all xabasho.

I think the Ethiopians are doing this to avoid habargidir fighters going to Xamar to take part in the resistance but there are enough in Xamar to do that. Never have hawiye been as united as they are now, cutting off supply of warriors is not going to influence the outcome of the war.

Xawaadle like all the other hawiye are 100% behind fighting to get rid of the Ethiopian occupation, warlords, moroyaan and traitors.

Unity is power Very Happy
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by eyes-only »

Baaq Beesha Xawaadle oo ku wajahan Siyaasada Soomaaliya iyo waxa muqdisho ka dhacaya
Apr 02, 2007 by sirdoon2
Dhamaan Warfaafinta Somalia
Asalaamu Calaykum.
Walaalayaal waxaan halkaan idiinku soo diraynaa Baaq ka soo baxay Wax garadka, Aqoonyahanka Ganacsatada Beesha Xawaadle, Dood dheer iyo wada hadal dheer ka dib, waxaan idinka rajeynayaa inaad faafisaan.
Press Release
Beesha Xawaadle
01-04-200
v Kadib Xiriir Balaaran oo ay yeelatay Beesha Xawaadle gudaha dalka iyo dibadiisaba, kaasoo dhex maray Odayaasheeda, Waxgaradka, Ganacsata, iyo Aqoonyahanka Beesha.


v Ka dib markii ay arkeen nabadii Soomaaliya oo faraha ka sii baxaysa, Dalkiina uu sii galayo Mugdi siyaasadeed ooh hor leh, iyo dagaalo sokeeye oo lagu hoobto.

v Markii Beeshu u kuur gashay Dagaalada Arxan darada ah ee ka dhacay magaalo madaxdii Soomaaliya oo ay beeshu si xoogan u dagto marka laga yimaad Gobolka Hiiraan, Shabelada Dhexe, Shabelada Hoose, Jubooyinka iyo Gedo.

v Iyadoo ay jirtay in Beeshu aad u taageertay mirihii ka soo baxay shirkii Mbgathi 2004 si loo helo nabad guud waloow aysan ku qanacsanayn qeybta ay ka heshay baarlamaanka iyo Golaha wasiiradaba.

v Markii Beesha u kuur gashay in taageerida ay u haysay Madaxweyne C/laahi yuusuf ay keentay quursi iyo tixgelin la'aan, isagoon isku howlin inuu la kulmo Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada ku sugan Muqdisho siduu ula kulmayay Beelaha ku sugan Muqdisho.

v Markii Beeshu aad uga niyad jabtay magacaabista maamulo isdaba joog ah oo loo sameeyay gobolka iyo degmooyinka qaar iyadoon lagala tashan madax dhaqameedka beesha, Ganacsatada, iyo Aqoonyahankaba, lana casilayo iyadoon lagala tashan taasoo sharaf dhac iyo jibin Axdi qarameedka ah.

v Markii loo kuur galay habdhaqameedka Maamulka la soo magacaabay ee soo rogoy canshuur aan lagala tashan dadka degaanka, ay sababtay in si bareer ah loo dilo Dad rayid ah oo sababi kartana iska hor imaad beesha dhexdeeda ah taas oon horay u dhicin (Degamada Jalalaqsi).

v Markii Beeshu si gaara u garwaaqsatay in Xukuumadu ay ka shaqeynayso in ay iska horimaad ka dhexdeco iyo naceyb Beesha iyo Beelaha kale ee la degan gobolka.

v Markii ay Beeshu aad uga naxday in Gobolka Hiiraan xukunkiisii loo wareejiyay Degmada Feerfeer ee Kilinka 5aad, oo mar walbaba looga yeerayo.

Beesha Xawaadle waxay Go'aansatay Qodobadan Soo socda

1- In Xukuumada C/laahi Yuusuf ay joojiso dagaalada xasuuqo iyo xaqdarada ah ee ay ka wado magaalada muqdisho oo ay ku baaba'ayaan Maatada degan magaalada.

2- Beeshu waxay Xukuumada Itoobiya ugu baaqaysaa iney joojiso weerarada gardarada ah ee ay ku hayso magaalada muqdisho, oo aysan siyaasada soomaaliya Qolo la safan, cadeysana waqtiga iyo goorta dalka ay isaga baxayaan, ayna ceyb ku tahay dowlad weyn sida itoobiya in ay noqoto Jufo ka mida Jufooyinka soomaaliya oo ku dagaalamaysa wadooyinka Muqdisho.

3- Beesha Xawaadle meel walbo ay joogto in ay si buuxdo u taageerto Midnimada Hawiye, ayna Dowr firfircoon ku yeelato dhowrista iyo difaacida xuquuqda siyaasadeed ee Hawiye.

4- Hadii Dagaalada Sii socdaan in beeshu Awoodeeda Dhaqaale iyo Cududeeda Meliteri ay ku biiriso Guurtida Hawiye ee Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed iyo Difaaceed ka wada Muqdisho. Gobolkana loo ogolaan in Maleeshiyaadka ka imaanaya Gobolada kale aysan soo dul marin.

5- Beeshu waxay si cad ugu sheegaysaa Ciidamada Itoobiya in Maritaanka Ciidamadooda ee Gobolku ay Dhibaato ku imaan karto hadii Xasuuqa Maatida Hawiye lagu hayo sii socoto.

6- Waxaan ugu Baaqaynaa dhamaan Ugaasyada Iyo Nabadoonada Beesha Hawiye in ay Shir isugu yimaadaan si mawqif cad oo mideysan Beeshu u yeelato, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliifna waxaan ugu baaqaynaa inuu dadaalkaas Hormuud ka noqdo. gundhigna ay u noqdaan, sidii laysugu soo celin lahaa Hawiye, layskuguna soo dhaweynlahaa Dhamaan Qabaa'ilka soomaaliyeed

7- Waxaan ugu Baaqaynaa Dhamaan Aqoonyahanka Hawiye in ay soo diyaariyaan Qorsho Siyaasadeed oo Beeshu Gudaheeda si sax ah ugu heshiin lahayd, ulana heshiin lahayd Beelaha kale ee walaalaha nahay sida Dir , Daarood, Raxanweyn, iyo Soomaali weynta kale.

8- Xiriirka Beesha iyo Bulshada Caalamka waxaa gaaray Dhawac weyn laga soo bilaabo 1993-dii Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Beesha, Warfaafinta waxaan ugu baaqaynaa in ay soo bandhigaan Qorsho loola heshiin karo Bulshada Caalamka gaar ahaan Maraykanka, iyo Itoobiya.

9- In Gobolka Hiiraan laga Sameeyo Maamul Cusub oo ku dhisan rabitaanka dadka deegaanka dhamaantood, laguna dhiso maamulkaas shir ay ka soo qeyb galaan dhamaan qabaa'ilka dega.

10- Dhamaan in Siyaasiyiinta Beesha Hawiye ee ku jira Xukuumada in loogu baaqo in ka baxaan Xukuumada bacdamaa ay ku fashilantay qorshihii loo soo unkay oo ahayd in ay ilaaliso rabitaanka shacabka kana shaqeyso Nabada.

11- Beeshu Waxay go'aan ku gaartay sida ugu dhaqsida badan in ay u doorato Gudi siyaasadeed iyo Afhayeen u Hadla Beesha kana Tarjuma Dareenkeeda Siyaasadeed ee Beesha xiligaan.

Wabilaahi Tawfiiq.

Beesha Xawaadle
Ismahan445
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2457
Joined: Thu Feb 08, 2007 1:54 pm
Location: Galinsoor

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by Ismahan445 »

Definitely, I agree with eyes on that point that this is a stragety from the Ethiopians to prevent any HG fighters from getting to Xamar. Sad
smooth
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3947
Joined: Tue Jan 20, 2004 7:00 pm
Location: London

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by smooth »

eyes

thank you very much sis, now i know what clan your from Smile
smooth
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3947
Joined: Tue Jan 20, 2004 7:00 pm
Location: London

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by smooth »

Ismahan

Its not that, there cutting of the supply lines, there in Afgoye, and towards the north of mogadishu they sit at each road junction leading towards Mogadishu, the flow of weapens and supplies used to come through that strategic road there occupying now which is situated in Beledweyne

Once they plant there base it will be hard to remove them, thats the mistake the insurgents made when they allowed them to take control of Wasaarada Gaashandiga & Football Stadiums so easily
X-unit
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 914
Joined: Sat Mar 31, 2007 2:31 pm
Location: Beledweyne

Re: More and More Bases & Roads Is Being Assigned to Ethiopia

Post by X-unit »

[quote="eyes-only"]war leave xawaadle alone, you don't fight an army like that. You wait until they settle, pretend to be supporting them, learn when and where best to attack them and then do it. Habargidir and xawaadle dhaxdooda lamagalo... and no way is xawaadle going to help anyone that wants to fight habargidir least of all xabasho.

I think the Ethiopians are doing this to avoid habargidir fighters going to Xamar to take part in the resistance but there are enough in Xamar to do that. Never have hawiye been as united as they are now, cutting off supply of warriors is not going to influence the outcome of the war.

Xawaadle like all the other hawiye are 100% behind fighting to get rid of the Ethiopian occupation, warlords, moroyaan and traitors.

Unity is power Very Happy[/quote]

That can be a possiblity, I hope xawaadle doesn't stand n watch when Hawiye is getting ripped apart in Mogadishu. You know what Siyad Bare did when he was in power...he took all the farms of Xawaadle's and gave it the Ogaden then who ever speaks against it got shot.....
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”