Egypt's meddling in Somalia. Will they ever Refrain?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Egypt's meddling in Somalia. Will they ever Refrain?

Post by DONKEYMAN »

Akhriste: Faragelinta Masar ee Arrimaha Somalia
4. april 2007

Yusuf I. Aaden


Waxaan aad ula yaabey faragelinta qayaxan ee dawladda Masar ay ku hayso arrimaha Somalia, iyo weliba kala hadalka iska hor-imaanaya.

Ayaan laga joogo dhawr beri ayaa waxaan daawaday/dhegeystey iyadoo dad weriyeyaal ahi ay weydiinayaa Wasiirka Arrimaha ee dalka Masar waxa ku kallifay inay dadka xirxiraan oo dimoqraadiyada xakameeyaan, iwm. Wuxuu ku jawaabey wasiirkaasi, dawladda Masar masuuliyad baa ka saaraan dalkeeda, cid ay kala tashanaysana ma jirto. Hadalkaas anigu aad baan ugu bogey markii waayo waa hadal run ah, oo dawlad waliba dalkeeda dantiisa iyada ayaa cid walba uga xog-ogaalsan.

Waxaan laa laakiin aad ula yaabay in isla wasiirkii uu dhawr beri ka bacdi ka hadlo arrimaha Somalia, isagoo leh waa in la soo farogeliyo, isagoo aan inna wax tixgelin ama ixtiraam ah aan siin mawqifka dawladda Somalia, oo dalka masuuliyadiisu saaran tahay.

Taas waxay muujinaysaa laba miisaan oo aan shuqul isku lahayn inay dawladda Masar wax ku cabbirayso. Waxaan ka codsanaynaa dawladda Masar inay arriimaha Somalia faraha kala baxdo, mar haddaysan wax wanaag ah ku soo kordhinayn, luggooyo mooyaane. Wixii dan ah oo ka soo gala Masar Somalia waa inay kala xaajooto Dawladda Soomaaliya, oo ay joojiso gacantogaaleynta ay ku hayso dalka Somalia; hadday la jiriibamayso Ethiopia, waa inay Masar ogaato in Ethiopia ay u yeeratay dawladda Soomaaliya oo si sharci ah ay ku joogto dalka Somalia. Waxaa kaloo layaab leh in dawladda Masar wada xirxirto dadka ‘Ikhwaan ul muslimiinta’ loo yaqaan ee dalkeeda ku nool, iyadoo isla mar ahaantaas dabada ka soo riixaysa in dadka noocaas oo kale ahi ay ku fidaan kuna gaamuraan dalka Somalia.

Masar (khaas ahaan Masartii hore) waxay ahayd dawlad aan aad saaxiib u nahay una qiimeynno, laakiin siyaasada Masar sida ay imminka ku socoto haddaan wax iska beddelin, waxay sababaysaa in dadka Somaalida ahi ay nacaan oo ka fogaadaan siyaasada Masar, oo uu ka muuqdo danaysaga khaaska ah.

Ugu dambeyntii waxaan ka hadlayo waa siyaasada dawladda ee maaha shacabka aan walaalaha nahay ee Masar. Sidoo kale ha ogaadeen in Ethopiana ay tahay dal aan daris iyo walaalo nahay, oo aannaan marnaba yeelayn inaan dib ugu noqonno xoogaagii cadaawadda ahaa oo waayo hore jirijirey. Taasi waa dhammaatay, sida Masarba u dhammaysay cadaawaddii kala dhexaysay Israel, iyadoo eegaysa danaha Masar. Marka ha joojiso Masar faragelinta iyo diradirada ay had iyo jeer ka dhex abuur is leedahay Somalia iyo Ethiopia.

Somali.
Magac: Yousef I. Adan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”