Page 1 of 1

Ganacsiga J/Hoose oo joogsadey

Posted: Wed Apr 04, 2007 4:24 pm
by Hiiraan boy
Ganacsatada Gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku dhaqaaqdey shaqo joojin socon doonto illaa waqti aan la shaacin.

Ganacsatada ayaa tallaabadan ku macneeyay mid ay uga soo horjeedaan canshuur xad dhaaf ah oo ay shegeen in dowladda KMG ah ee Somalia kusoo rogtay.

Waxa ay sidoo kale ku dhowaaqeen in saddex doonyood oo iminka ku xiran marsadda magaalada Kismaayo aan la dejin doonin ilaa dowladda KMG ah ee Somalia ay ka laabato qiimo kordhinta ay ku sameysay canshuurihii laga qaadi jiray ganacsatada.

Guddoomiyaha ganacsatada Gobolka Jubbada Hoose Mukhtaar Sheekh Axmed, ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay saameyn xoogan ku yeelan doonto dadka shacabka ah, dhibaatadaas-na ay mas'uul ka yihiin mas'uuliyiinta gobolka iyo DFKMG ah.

Mukhtaar ayaa waxa auu yiri in mar kasta oo dowladda KMG ah ee Somalia ay kordhiso qiimaha canshuurta maciishaddana ay kordhi doonto, taasina ay tahay dhib loo baahan yahay in dowladda aysan hogaamin.


Cabdi Fatax Axmad,GO