Washigton Pledged to Continue supporting the TFG
Posted: Wed Apr 04, 2007 6:25 pm
Washington: Maraykanka oo codsaday in taageero xooggan lasiiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya
4. april 2007
Washington(AllPuntland)-Dawladda maraykana ayaa ku baaqday in taageero ballaaran loo muujiyo ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya kusugan .
Warbixin uu bixiyay afhayeenka waaxda arimaha dibadda dalka Maraykanka Sean McCrmack ayuu ku sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin ka hirgasha dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay rajada kusoo celin karto dalka Soomaaliya.
Dawladda Maraykanka ayuu sheegay afhayeenkan inay ku taagnaan doonto taageerada ciidamada midowga Afrika ee imaanaya dalka Soomaaliya iyo kuwa iminkaba jooga.
Qorshaha Uganda ugu dirtay ciidamo gaaraya 1,300 oo askari ayuu sheegay afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka in lasii ballaarin karo , si ay usoo da dajiso in Itoobiya ay ka baxdo dalka Soomaaliya.
Sean McCromack wuxuu sheegay inaysan suurto gal ahayn inay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada Itoobiya haddii aan lasoo buuxin meesha ay bannaynayaan.
" Waqtigan la joogo Itoobiyaanku waxay kusugan yihiin Soomaaliya ,waxayna joogaan Muqdisho waxayna caddeeyeen inuusan damac uga jirin inay sii joogaan Soomaaliya" ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka.
Maraykanka waxay sheegeen oo kale inay dhaqaalaha ka taageerayaan xukuumadda federaalka Soomaaliya si ay u fuliso hawlaha sugaya ee dhinaca nabadda iyo dib u dhiska dalka.
CCC Farayaamo
AllPuntland