Page 1 of 1

Qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Hargeisa

Posted: Fri Apr 06, 2007 10:26 am
by Hiiraan boy
Qarax bambaano oo xalay ka dhacay xarunta CID da ee magaalada Hargeisa.
Warkii 06-Apr-2007 iyo Qormadii: Afnugaalnews

Waxaa xalay ka dhacay qarax bambaano xarunta CID da ee magaalada Hargeisa qaraxan oo aan wax qasaaro ah gaysan ayaa waxaa lagu qaaday xaruntaas CID da oo ku taal xaafada shacab ee magaalada Hargeisa.

Qaraxan ayaa ahaa mid loo soo adeegsaday Bambaano oo laga maqalay inta ku dhowdhow xaafadaasi isaga oo an wax qasaara ah u gaysan xarunta,ayaa ilaa iyo hada aan lagaranayn waxa kadan beeyay in weerarkan lagu soo qaado xaruntaasi.



Mar wax laga waydiiyay masuuliyiin katirsan xukuumada Somaliland ayaa waxa sheegeen in aysan garanayn waxa kadan beeyay qaraxan iyo sababta dhabta ah ee loo weerary xarunta iyagoo sheegay in aanu wax qasaaro ah u gaysanin qaraxaasi.



Hadaba qaraxan ayaa noqonaya qaraxii ugu horeeyay ee noocan oo kala ah oo ka dhaca magaalada Hargeisa in mudo ah iyada oo ay dadka ree Hargeisa ay layaabeen waxa kalifay qaraxan inuu ka dhaco magaalada iyada oo ay tahay wax aan horay looga baranin deegaankaasi.



Ugu danbayntii ayaa ilaa iyo hada wax war ah oo rasmi ah aysan kasoo bixin xukuumada Somaliland oo ay kaga war bixinayso qaraxan kadhacay magaalada Hargeisa oo ay tahay markii ugu horaysay uu ka dhaco magaalada Hargeisa.