Wariyaal oo uu xiray Afhayeenka Cabdilahi Yusuf

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
X-unit
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 914
Joined: Sat Mar 31, 2007 2:31 pm
Location: Beledweyne

Wariyaal oo uu xiray Afhayeenka Cabdilahi Yusuf

Post by X-unit »

Wariyaal ka tirsan telefishinka Caalamiga ah ee Universal uuna ka mid yahay Agaasimaha Telefishinkaas Cabdiqaadir Maxamed Cashar Nadaara ayey xabsiga dhigeen Maleeshiyada reer Garowe ee Muqdisho ku sugan kadib markii uu amar ku bixiyay Ninka lagu magacaabo Xuubsireed ee sheegta inuu yahay Afhayeenka Cabdilahi Yuusuf.

Cabdiqaadir Nadaara iyo Wariyaasha la socda waxaa uu xiritaankooda dhashay kadib markii Cabdiqaadir su-aalo kul kulul uu waydiiyay ina Xuubsireed oo shir Jaraa'id ku qabanayay Hotel Ambasador isagoo ku eedeeyay in su-aalahaas ay ahayeen kuwa loo dhiibay Nadaara,uuna isaga amray in la xiro. .

Goobjoogayaal ayaa Waagacusub u sheegay in Wariye Cabdiqaadir Nadaara iyo ragii la socday si xun loo jirdilay laakiin ina Idamaale ayaa Saxaafada u sheegay in Nadaara loo xiray dimbiyo la xiriira wareeysi uu la yeeshay Askari reer garowe ah oo Muqdisho lagu jiidjiiday dagaalkii ugu horeeyay ee Wasaarada Gaashaandhiga kaas oo lagu magacaabi Cabdilahi Looyaan,oo calaa cal iyo oohin ku daah furay hadalkiisa.

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa cambaareeyay xariga iyo jirdilka lagu sameeyay Wariyaasha Universal waxayna maamulka Cabdilahi Yusuf ugu baaqeen inay deg deg ku sii daayaan.iyagoo dhinaca kalana nasiib xumo ku tilmaamay in Xuubsireed iska xir xirto Suxufiyiinta sida Xayawaanaad uu isaga leeyahay .

http://www.waagacusub.com/nadaara%20oo%20la%20xiray.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”