Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu saakay ka qarxay degnaaka Dhahar ee Gobolka Sanaag, dagaalkaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in muddo gaaban kadib maleeshiyaadkii Puntland dib loo riixay, ayna ka soo baxeen magaalada, ilaa hadda lama yaqano khasaaraha kala gaaray, maalmihii ugu dambeeyay ayeey labada dhinac degaankaasu isugu geeyeen maleeshiyaad iyo hub si dhinac walba uu u hanto gacan ku heynta degaanada Sanaag Bari oo dhinac walba uu doonaayo inuu ka faa-ideysto kheyraadka degaanka...
Xiisado colaadeed oo u dhaxeeyay Maamulka Somaland iyo Maamul goboleedka Puntland kadib markii maalmahan ay soo shaac baxday in wasiirro iyo Mas-uuliyiin hay'adood ay ku sugan yihiin magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxeyna doonayaan iney kormeer ku soo kala bixiyaan degmooyinka hoos yimaad Gobolka, halka kuwa Puntland ay bilaabeen abaabul maleeshiyo oo ay ku doonayaan iney ku horistaagaan kormeerkaasi, dagaalka ayaa hadda ka socda dhanka baraagaha, ilaa haddana wax khasaare ah lama soo sheegin, goob joogayaal ayaa sheegay iney maqlayaan rasaasta qoryaha ee waaweyn oo ka dhacaysa magaalada dhinaceeda, waxaana la sheegay in dhaq-dhaqaaqiina dadka degaanka uu istaagay, iyadoo laga cabsi qabo waxyeelada dagaalka ee labada dhinac,Gurmadka labada dhinac ayaa laga soo sheegayaa iney si weyn ugu soo fool leeyihiin magaalada Dhahar, iyadoo Ciidamada Somaliland ay shalay galabnimadii halkaasi soo gaareen, dagaalka ayaa lasheegay inuu socday muddo gaaban waxaan warara aan la hubin ay sheegayaan in maleeshiyaadka Puntland ay dib uga soo baxeen degaanka Dhahar.
Dagaal Qaraar ayaa Ka Qarxa Dhahar...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 4 Replies
- 752 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 15 Replies
- 905 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 277 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 4 Replies
- 59 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 905 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 7 Replies
- 942 Views
-
Last post by kkk47
-
- 18 Replies
- 1244 Views
-
Last post by Ganjaweed