Abaandulaha Ciidamada Ethiopia goes to Boosaaso

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Abaandulaha Ciidamada Ethiopia goes to Boosaaso

Post by Hiiraan boy »

Warar lagu kalsoon yahay oo laga healy ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Abaandulaha Ciidamada xooga ku heysta Koonfurta Soomaaliya iyo wafdi balaaran uu horkacaayo ayaa la filayaa iney dhowaan gaaraan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, si uu u kormeero degaanadii dagaalada shalay ka dhaceen isla markaasna xiisadaha dagaal ee degaanadaasi ka soo cusboonaaday uu u soo qiimeeyo waxaana lagu wadaa iney horey u sii raacaan Madaxda Dowlada maqaar saarka ee Muqdisho ay ku hayaan Ciidamada Ethiopianku kuwaasoo cabasho u gudbiyay...

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhowaan heshiis hoose ay la soo galeen Madaxda Maamul Goboleedka Puntland Xukuumada Ethiopia si ay degaanadaasi uga ilaaliso hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Somaliland oo ay isku heystaan degaano badan oo labada dhinac kala qeybiya, heshiiskaasi ayaa wuxuu u fasaxayaa in Ciidamada Ethiopia ay gfuud ahaan ilaaliyaan degaanadaasi isla markaasna ay gacan ka geystaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa dagaalna uga dhex dhicin labada maamul bacdamaa maleeshiyaadkii maamulkaasi intiisii badneyd loo soo wareejiyay Muqdisho iyo Kismaayo, inta lagu guda jiro howlgalada -Sifeynta magaalada Muqdisho- oo ay hormuudka ka yihiin Ciidamada Wayaaniga iyo kuwa laga keenay Puntland, safrakaan qarsoodiga ayaa la sheegay in Ciidamo Ethiopian ah oo tiro yar oo fariisin ku lahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo shalay lagu amray iney u dhaqaaqaan magaalada Laas caano si ay u hakiyaan soo socoshada Ciidamada Somaliland oo shalay dhowr degaan ka qabsaday Puntland saakayna laga soo sheegaayo dhaqdhaqaaq iyo saan saan colaadeed dhinaca Laas caano iyo Xudun.
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Re: Abaandulaha Ciidamada Ethiopia goes to Boosaaso

Post by Ina Baxar »

I've predicted the following yesterday


......inta lagu gud safrakaan qarsoodiga ayaa la sheegay in Ciidamo Ethiopian ah oo tiro yar oo fariisin ku lahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo shalay lagu amray iney u dhaqaaqaan magaalada Laas caanod si ay u hakiyaan soo socoshada Ciidamada Somaliland oo shalay dhowr degaan ka qabsaday Puntland saakayna laga soo sheegaayo dhaqdhaqaaq iyo saan saan colaadeed dhinaca Laas caanod iyo Xudun.


--> viewtopic.php?f=250&t=95202&p=1253786&hilit=#p1253786
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”