Page 1 of 1

Ayaan Xirsi iyo Adeerkeed Cabdillahi Yussuf

Posted: Tue Apr 10, 2007 5:07 am
by Hiiraan boy
hadhwanaag 2007-04-09 (Hadhwanaagnews) Ayaan Xirsi Cali Waa Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo Ilaaheey Dafiray ama Inkiray, Diinta Islaamka iyo Rasuulka Calayhi-salaatu-wasalaam, Si Anshax xumo ah oo ay Gaaladu xitaa la yaabtay u aflagaaddeysay.
Ayaan waxay wax ka sameysay Filimkii Submission oo laga yaabo in Soomaalidu dhamaanteed ay aragtay ama maqashay oo Qur'aanka Kariimka ah Haweeneyda Qaawan Dusheeda lagu qoray.

Haddaba Qormadeenna waxan maanta ku eegeynaa 5 Waxyaabood oo ay isaga mid yihiin Ayaan iyo Adeerkeed Cabdullaahi.

1) Ayaan sidaan sheegnay waxay noqotay Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo Diinta Aflagaadeeyey iyo Rasuulka CSW.
Adeerkeed Cabdillahina wuxuu noqday Calooshii u shaqeystihii ugu horreeyey ee Taariikhda Soomaaliya Qarniyaad dib u celiyey oo dalkii Somalia Keenay ciidamo shisheeyey, taas oo noqotay in Somalia Gumaysi Cusub u gacan gashay.

2) Ayaan Gaalada ayey aad u jeceshahay oo wax walba waxay ka hormarisaa Qancinta Gaalada oo Xitaa ay Diinta uga baxday Gaalo jaceyl awgeed.
Adeerkeed Cabdillahina sidaas oo kale Gaalada jaceylkeedu waxa uu gaadhsiiyey in uu Waddankii dhamaa ee Soomaaliyeed uu Gacanta u galiyey ciidamo shisheeye oo Gaalo.

3) Isku beel bay ayey ka soo wada jeedaan waana isku-abtirsiimo iyo isku-dhiig.

4) Faanka Beenta ah iyo waxa laga faano oo ay ku faanaan si ay caan u noqdaan.

5) Labaduba waxay isu haystaan in ay yihiin laba ruux oo caqli badan oo qiimo leh, taas ayaana keentay in ay ia-mahadiyaan iyaga oo si-xaddhaafa isu-amaanaaya.

Ayaan Xirsi iyo Adeerkeed markaan arko ama maqlo baan aad uga xishoodaa in aan sheegto Magaca Soomaali, Runtii waan isku khajilaa oo aan ka yaxyaxaa, Marna aad baan ugu naxaa oo waxaan is tusaa Halaagga ay ku sugan yihiin labadan Ruux ee Sheeydaanku Qalbigoodii qaatay, markaas baan Calool xumaadaa oo aan ilaaheeygii kuwaas oo kale aan iga dhigin oo Diintaydii aan iga Fidnaynin, Damiirkeygii aan iga luminin, Dadkaygiina aan igu dirin aan u mahadceliyaa.

Source: Hilaac.net

Posted By: Osman Abdillahi Sool.......Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com